Guoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hirshabelle oo qiray in Al-Shabaabkii weeraray xarunta Baladweyne ay laabteen iyagoo bad-qaba.

Thursday March 13, 2025 - 12:33:32
Liibaan Jeexoow
Cismaan Barre Maxamed oo horey usoo noqday Guoomiyaha Baarlamaanka maamulka la baxay Hirshabelle ayaa sheegay in raggii weeraray xarunta Baladweyne ay dib u laabteen iyagoo bad-qaba, kadib markii ay gurmad ka helaan ciidamo kale oo ka tirsan xoogagga Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay afka ciidda u dareen dhammaan qaybihii kala duwanaa ee maleeshiyaadka DF Somaliya ee goobta joogay sida kuwa Millateriga, NISA, Ilaalo Qaran iyo weliba Macawisleyda. Iyo sidoo kale ciidamada Jabuuti iyo Ciidamada Xabashida Itoobiya oo iyagana uu sheegay inay gurmad ahaan halkaasi ku aadeen.

Barre ayaa ka dhawaajiyey in xoogagga Al-Shabaab ee gurmadka ahaa ay habeennimadii soo galeen magaallada, isla markaana ay xoog kula baxeen dagaalyahannadoodii ka dagaallamayay xarunta iyadoo wax dhib ah aanu soo gaarin.

Cismaan Barre ayaa eedayn kulul iyo cambaarayn kala dul-dhacay Maleeshiyaadkii kala duwanaa ee meesha joogay iyo guud ahaan maamulka Gurguurte. Isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay maleeshiyaadka jawaasiista ee NISA oo uu sheegay in ay fashilmeen isla markaana awooddoodii ay kusoo ururtay oo kaliya dhibaataynta dadka shacabka ah.

Sidii aanu horeyba idiinku soo gudbinay ilo-wareedyo ayaa SOMALIMEMO u xaqiijiyay in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay habeen hore gudaha u galeen magaallada Beledweyne kadibna ay la dagaallameen maleeshiyaadka dowladda ee ku hareeraysnaa dhismaha hoteelkii ay camaliyaddu ka socotay.

Ciidamada jihaadiga ah ee weerarka qaaday ayay u suurtagashay in ay hareeraynta ka qaadaan naftood-hurayaashii ka dagaallamayay hotelka Al-Qaahira kadibna ay labada ciidan kasoo baxeen magaallada iyagoo guulaystay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Al Shabaab ay gacanta kusoo dhigeen saanado hub ah oo ku xaraysnaa mid ka mida qolalka Hotelka hubkaas oo loogu tala-galay maleeshiyaad ay diyaarinayeen saraakiishii lagu laayay weerarkaasi.

Ciidamada Al Shabaab ee howlgalka fuliyay ayaa gudaha xarunta la weeraray kusoo arkay meydadka saraakiishii la laayay oo bilqan, tallaabadan ayaa muujinaysa dhiiranaanta iyo hal-adeygga dagaalyahannada Al-Shabaab.

Howlgalkii Beledweyne wuxuu qaatay wax ka badan 14 saacadood oo xiriir ah waxaana soo afjaridda weerarkan ku guul-darraystay dhammaan maleeshiyaadka dowladda iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan magaalada sida kuwa Xabashida Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah isbahaysiga AUSSOM.

Related Items

Update cookies preferences