Wasiirkii hore ee dibadda Itoobiya: Dagaalka socda waxa loo qorsheeyay in lagu wiiqo Amxaarada.

Monday March 10, 2025 - 13:17:06
Liibaan Jeexoow
Siyaasi xilal kala duwan kasoo qabtay dawladda Xabashida Itoobiya ayaa sheegay in dagaalka ka socda gobolka Amxaarada uu yahay mid si bareer ah loo qorsheeyey oo la doonayo in lagu wiiqo Amxaarada.
Gedu Andargachew oo kasoo jeeda qoomiyadda Amxaarada horey-na u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya iyo madaxweynaha maamul-goboleedka Amxaarada ayaa sheegay in uusan rumaysnayn in dagaalku ku dhammaan doono wada-xaajood nabadeed.

Andargachew, oo sidoo kale soo noqday La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, door weynna kasoo qaatay dhismaha xukuumadda Abiy, ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay isbedelka dhacay oo uu sheegay inuu noqday lagu hungoobay oo mid fowdo ah.

Labo shuruudood ayuu sheegay siyaasigani in lagu xallin karo colaaddan. Midda koowaad ayuu yiri waa haddii dawladdu garwaaqsato in dariiqa ay waddaa uu yahay mid aan dhab ahayn. Isagoo shuruudda kalena ku sheegay halkanka Fano oo xoogaysta.

Gudaha dalka Itoobiya waxaa ka holcaya dagaallo lagu riiqmay, gaar ahaan gobolka Amxaarada, waxaana ku habsaday burbur dhaqaale iyo mid bulsheed oo aad u daran.

Dagaallo qaraar oo si weyn loogu riiqmay ayaa muddo sannad iyo bar ka badan ka socda gobolka Amxaarada, kuwaas oo dhaliyey burbur dhaqaalle iyo mid bulsheed oo aad u daran.

Iskuullada iyo xarumaha caafimaadka ayaa lagu bartilmaameedsaday weeraro diyaaradeed iyo madaafiic, sida ay sheegayaan warbixino ka soo baxay hay’adaha waxa loogu yeero xuquuqul insaanka.

Dilalka ay gaysanayaan ciidamada dowladda iyo kiisaska kufsiga ayaa aad u badan. Kumanaan shacab ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay dagaalladaasi.

Ilo-wareedyo ay warbaahin maxalli ah kasoo xigatay waxa loogu yeero hey’adaha samafalka ayaa tilmaamaya in sababo amni dartood ay dugsiyada waxbarashada ka maqan yihiin in ka badan 6 milyan oo arday.

Colaaddan oo aan la garanayn goor ay dhammaan doonto, ayaa lagu soo warramayaa in haatan ay xoogaysatay cududda awoodeed ee Jabhadda Fano, isla markaan ay sidii hore aad uga hub badan yihiin. Waxaanay gobolka ay ka maamulaan qiyaastii 80%.

Related Items

Update cookies preferences