Wararka ka imaanaya wadanka Holland ee qaaradda Yurub ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay mas'uul katirsan wasaaradda arrimaha dowladda Xabashida Itoobiya xilli uu ku sugnaa mid kamida magaalooyinka wadankaasi.
Saraakiisha Booliska Holland ayaa xaqiijiyay in ay qabteen qunsulka guud ee dowladda Itoobiya uqaabilsan magaalada Laahaay baaritaanno dheer kadibna ay sii daayeen.
Diblumaasigan Itoobiyaanka ah ayay ciidamada booliska ee qaabilsan ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada gacanta ku dhigeen kadib markii ay uga shakiyeen in uu maleegayay weerar lagu khaarijin rabay siyaasi caan ka ah gudaha wadankaasi.
"Booliska ayaa magaalada Laahaay ku qabtay qunsulka guud ee dowladda Itoobiya saacado baaritaan ah kadibna xoriyaddiisa ayuu dib u helay kadib markii la ogaaday in uusan aheyn qofkii laga shakisanaa"ayuu yiri mas'uul u hadlay booliska dowladda Holland.
War kasoo baxay xafiiska diblumaasiyadda Itoobiya ee dalka Holland ayaa lagu dhaleeceeyay falkan waxaana lagu sheegay in uu yahay fadeexad islamarkaana xad gudub ku ah waxa loogu yeero xeerarka diblumaasiyadda.
Dowladda Xabashida Itoobiya oo dagaal adag kula jirta jabhadaha qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada ayaa dhowr jeer fulisay weeraro ka dhan ah saraakiisha mucaaradka dibad joogga ah balse weli kuma guuleysan in ay soo qabato ama ay disho saraakiisha mucaaradka ee ku sugan dalalka reergalbeedka