Jimcihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii mu'asasada Al-kataa'ib ee garabka warbaahineed ee xarakasda Al-Shabaab ay baahisay filim hadal-hayntiisu aad u badatay oo si weyn ugu dhex faafay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Falanqayn iyo fikrado kala duwan oo diiradda lagu saarayo filimkaasi ayaa tan iyo maalintii la baahiyey si weyn u dhex socota baraha internet-ka ee ay ku kulanto bulshada Soomaaliyeed ee ku kala sugan dalka gudihiisa iyo daafaha dunida.
Filimkan qabsaday Social Media-ha ayaa lagu soo bandhigay mucaskar millateri oo tababar loogu soo xiray guutooyin ka tirsan xoogagga Al-Shabaab, kaas oo loogu magac-daray Sheekh Bashiir Sheekh Yuusuf (IHUN) oo halgan adag oo jihaadiya kala hor-tagay gumaysitihii Ingiriiska.
Akaadamiyadda Sheekh Bashiir, waxaa kasoo muuqanaya rag dhisan oo isugu jira gar-case iyo gar-madoobe, kuwaas oo loosoo gunaanaday tabobar millateri, oo sida laga dheehan karo heerkiisu sarreeyo, isla markaana u muuqda mid caalamiya.
Ciidankan tabobarka adag soo qaatay oo isugu jira Culimo-udiin, Odyaal dhaqan, Dhalin-yaro, Aqoonyahanno iyo Abwaanno caan ka ah gayiga Soomaaliyeed, ayaa intooda badan wajiyadoodu ay daboolan yihiin, balse waxaa jira afraad kooban oo wajiyadoodu ay faydan yihiin.
Raggan ayay kamaraddu soo qabanaysaa iyagoo si layaab leh u gaardinaaya, kuna lebisan dharka ciidanka ee Tuutaha, Kabo Buud ah, Maskaraati iyo Cumaamad isugu jirta madow iyo caddaan. Waxaanay ku garwaaxsan yihiin hubka wax gummaada noocyadiisa kala duwan.
Raggan oo dareenka ka muuqdaa uu yahay mid aad u sarreeya, ayaa dhammaantood waxaa weer u ah oo madaxa ay ku xiran yihiin Raayada Rasuulka (SCW), iyagoo gacmahana ku sita boorar ay ku xardhan yihiin hal-ku-dhegyo kala duwan, balse dulucdoodu isugu biyo-shubanayso Sharaf ama Shahaado.
"Mucaskarkani waa mid cajiiba, xiiso gooniya ayuu leeyahay, waxaana kasoo muuqanaya hal-doorkii bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo aad iyo aad noo farxad-geliyey, sida culimada waaweyn ee uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Jamaal, Abwaan Nageeye iyo Abwaan C/Waaxid Gama’diid” Sidaas waxaa yiri Suldaan Macalin Maxamed Cabdi oo ka mid ah dadkii daawaday filimkaasi.
Sida uu suldaankani ka dhawaajiyey filimkan ayaa ah mid aad u soo jiitay daawadeyaal fara badan, waxaanu xambaarsan yahay macluumaad kala duwan iyo farriimo lagu qoray far waaweyn, kuwaas oo horseed u noqon kara baraarugga dad badan oo fahankoodu meel kale ku foognaa.
Culimo-udiin caan ah iyo odayaal gar-caseyaal ah ayaa ka mid ahaa dadkii wajiyadooda la arkayay, ee soo muuqday iyagoo ku gaashaaman hubka noocyadiisa kala duwan, una heellan Guul ama Geeri. Waxaana ka dhalatay dooddo aan waxba la isku reeban oo ka socota baraha bulshada.
Sidoo kale waxaa baraha bulshada dhex mushaaxaya faallooyin xasaasiya oo isugu jira kuwo taban iyo kuwo togan oo laga dhiibanayo Abwaanno ay ka mid yihiin C/Waaxid Gama’diid, Nageeye Cali Khaliif, Maxamuud-Jeesto iyo Samakaab oo iyagoo wajiyadu u faydan yihiin mar kaliya kasoo muuqday filimkan cusub ee mucaskarka Sheekh Bashiir Sheekh Yuusuf.
Abwaannadan oo gayiga Soomaaliyeed si weyn looga yaqaan ayaa sidoo kalena ah aqoonyahanno soo bartay culuum kala duwan. Waxaanay qaarkood bareyaal-jaamacadeed kasoo noqdeen jaamacado ku kala yaalla magaallooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.
Maansoyahannadan oo ummadda Soomaaliyeed ay si weyn u xiiseyso suugaantooda ayaa ka mid ahaa koox abwaanno ah oo ka biyo-diiday dulliga iyo ihaannada, kanasoo baqoolay deggaannada gobollada waqooyi ee uu ka arrimo maamulka daba-dhilifka ah ee la baxay Somaliland.
Ku-biirista abwaannadani ay kaga mid noqdeen sufuufta jihaadiga ah ee xarakada Al-Shabaab ayaa dhul-gariir iyo filan-waa ku riday maamullada daba-dhilifyada ah ee ka jira Soomaaliya. Geesta kalena waxay ceelalyo u noqdeen dhalinyaro fara badan oo dhiiratay, kuwaas oo far iyo suul ku taagnaa.
Hal-ku-dhegyo kala duwan oo boorar ku xardhan ayay gacmaha ku hayaan xubno ka mida ragga tababarka loo soo xiray. Waxaana ka mida abwaan Nageeye oo gacanta midiga ku sita boor uu ku qoran yahay shicaar xikmad badan ku fadhiya oo carabiya balse afsoomaali ku noqonaya "Waxaanu diidnay noloshii dulliga, waxaanan dooranay noloshii sharafta”.
Waxaa xusid mudan, Abwaan Hilaal oo isna kasoo muuqday mucaskarkan isagoo waji faydan, ayaa ka mid ahaa hal-abuurradan kasoo hijrooday magaallada Hargeysa. Waana aqoonyahan wax ka bartay cilmiga Civil Engineering-ka. Waxaanu wax ka dhisay fooqyo ku yaalla magaalooyinka waaweyn ee gobollada Waqooyi.
Abwaan Hilaal oo leh Suugaan hodan ah oo Jihaadiya, ayaa geesta kalena muddo badan oo ka horeysay hayaankiisa ahaa guddoomiyihii heer qaran ee TAWAKAL, oo ah dallad ay ku midaysan yihiin ururrada shaqaallaha dhismaha ee ka jira dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Somaliland, sida aanu ku ogaanay xog aanu helnay.
Geesta kale, filimkan waxaa kasoo muuqday Sheekh Mahad Warsame Abu C/Raxmaan oo ka mida mas’uuliyiinta Xarakada Al-Shabaab oo soo xiray mucaskarkaasi, isagoo jeediyey kalimad dhinacyo badan taabanaysa, oo aan ka xusi karo xog uu kusoo ururshay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray duullaanka casriga ah ee lagu soo qaaday dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in duullaanka cusub ee lagu soo ekeeyey Soomaaliya uu soo bilawday 1992-kii, oo laga joogo 33 sano. Duullaankii u horreeyey ayuu magaciisu ahaa UNITAF, kaas oo muddo kadib loo bedelay UNISOM oo isaga laftarkiisu laba qaybood kala ahaa (UNISOM 1 iyo UNISOM 2). Waxaanay dhammaantood kusoo idlaadeen fashil iyo guul-darro.
Waxaa haddana 13 sano kabacdi lasoo abaabulay duullaan kale, iyadoo lasoo bakhti-afuufay Xabashida Itoobiya, kadib markii jab xooggan dhabarka loo saaray qab-qablayaashii ashahaado-la-dirirka ee shisheeyuhu usoo igmaday qaska Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.
Bakhti-afuufkii Itoobiyaanka ayaa sidoo kale noqday hal bacaad lagu lisay, waxaana muddo yar kabacdi haddana dib loo soo abaabulay hawl-gal cusub oo loogu magac-daray AMISOM, kuwaas oo jaxiimadii Soomaaliya lagu feentay isla markaana difaacyadii Xamar dhegta dhiigga loogu daray.
Talo markay ku caddaatay, kibirkoodiina uu kasaan-jabay, runtuna ay hortooda timi, ayay si fiican ugu dhug-yeesheen duruustii loo dhigay, waxaanay ku urureen dhufaysyadoodii. Waxaa haddana lasoo cumaamaday hawl-gal cusub oo loo baxshey ATMIS.
Kadib markii hawl-galka ATMIS oo isna la oran karo wuxuu ahaa bakhti-weyne uu kusoo dhammaaday fashil, ayaa haddana waxaa sannadkan cusub ee 2025 lagu dhawaaqay hawl-gal cusub oo loogu yeeray "EYSOM”, kaas oo Sheekh Mahad sheegay in aanu waxba kaga duwanaan doonin kuwii hore, sidoodii oo kalena uu kusoo idlaan doono, insha Allaah.
Isku soo xooriyoo, filimkan cusub ee lagu soo bandhigay mucaskarka Sheekh Bashiir Sheekh Yuusuf waxa uu sare u qaaday baraarugga bulshada Soomaaliyeed, waxaana laga dheehan karaa afkaarta fayow ee kasoo burqanaysa maskaxda xorta ah.