MUQDISHO: Xildhibaannada mucaaradka oo lagu soo rogay xannibaad dhanka socdaalka ah.

Sunday December 01, 2024 - 17:34:35
Liibaan Jeexoow
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaya cadaadisyo kaga imanaya dhanka xukuumadda uu gar-wadeenka ka yahay Xasan Gurguurte.
Ilo-wareedyo aanu soo xiganay ayaa tibaaxaya xannibaad dhanka socdaalka ah oo la saaray xildhibaannada mucaaradka ee BF-ka ku metela deggaannada Jubbaland.

Saraakiisha ammaanka ee madaarka Muqdisho ayay wararku sheegayaan in loo gudbiyey amar ka dhan ah xildhibaanno uu ka mid yahay Xasan Firimbi.

Liiska magacyada xildhibaannadan xayiraadda la saaray ayaa lagu wareejiyey saraakiisha ammaanka, iyadoo la faray in aanay garoonka ka dhoofi karin.

Xildhibaannadan la xannibay ayaa u badan xildhibaannadii kasoo hor-jeeday ansixintii guddida doorashada ee maalmo ka hor la hor-keenay BF-ka Somaliya.

Buuq iyo sawaxan isku rogay gacan-ka-hadal ayaa maalintaasi ka dhacay gudaha Baarlamaanka, waxaana ku dhaawacmay askari ka tirsan maleeshiyada dawladda.

Shariif Sheekh Axmed oo ka mida siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan Xasan Sheekh ayaa carabaabay jiritaanka waraaqda xannibaadda ah ee la dhigay madaarka.

"Warqad ayaa garoonka diyaaradaha laga dhigay Xildhibaan Xasan Yare iyo Xildhibaano kale..” Ayuu yiri Shariif Sheekh mar uu shalay ka hadlayay xiisadda siyaasadeed ee ka jirta dalka.

Dhanka dawladda federaalka ma jiro wax war ah oo kasoo baxay oo ku saabsan xayiraadda dhanka socdaalka ah ee la sheegayo in la saaray xildhibaanno ka tirsan BF-ka Soomaaliya.

Khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan kooxda Villa Somaliya iyo maamulka la baxay Jubbaland ayaa maraaya meeshii ugu xumayd ee abid uu gaaro.

Wararkii ugu dambeeyey ee maanta kasoo kordhay xiisaddan ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo ka goostay maamulka Jubbaland ay ku biireen ciidanka DF-ka ee ku sugan Raaskambooni.

Taliye Xasan Ciraaqi oo ka tirsan ciidanka DF-ka ayaa soo dhaweeyey qaybo ka mida ciidanka kasoo goostay Jubbaland oo uu watay nin lagu magacaabo Saleeban Cabdille Cali Deyr (Wardi).

Related Items

Update cookies preferences