Al Qaacidda Ee Maqribul Islaami ayaa sheegtay Mas'uuliyadda Weerar lagu laayay Tobanaan katirsan ciidanka Maali oo ka dhacay Magaalada Ghawah ee waqooyiga Wadankaasi.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ballaaran oo ciidamada Mujaahidiinta Al-qaacidda ee Maqribul islaami ah ka fuliyeen magaalo dhacda waqooyiga wadanka Maali ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.
Bayaan kasoo baxay jamaacada Jihaadiga Al-muraabiduun ee beycada kula jirta mujaahidiinta alqaacidda ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkii dhiigga badan ku daatay ee shalay ka dhacay wadanka Maali.
Jamaacada Al Muraabiduun waxay sheegtay in camaliyad istish-haadi ah oo uu fuliyay dagaalyahan mujaahid ah oo lagu magacaabi jiray Cabdul Haadi Al-fuulaani lagu dilay in kabadan 50 askari oo katirsan ciidanka wadajirka ah ee duullaanka ku jooga magaalada Ghaawah.
Camaliyadda oo loo adeegsaday gaari lagasoo buuxiyay walxaha qarxa oo tayadooda sarreysa ayaa lala helay mucaskar melleteri oo ay ku sugnaayeen ciidamada Maali iyo kuwa isku xirka dhaq dhaqaaqyada azawaadka oo ay hoggaaminayso Q.Midoobe waxaana halkaasi ku hoobtay tobaneeyo askari tobanaan kalane waa ku dhaawacmeen.
Bayaanka oo koobi kamid ah ay heshay shabakadda Al Jazeera qeybteeda ee afka carabiga ku hadasha ayaa lagu yiri " qofwalba oo gargaarsada ama wax uun ku kaalmeeya muxtalliinta faransiiska wuxuu bartilmaameed sharci ah u yahay mujaahidiinta ha ahaado carab,Cajam,mid cad iyo mid madoow ama mid fog iyo mid dhow”.
Al-muraabiduun waxay sheegeen in aysan ogolaan doonin dhaq dhaqaaqyada melleteriga cadawga wadajirka islamarkaana ay beegsan doonaan, saldhigyadooda melleteri kolonyadooda isaga kala gooshta magaalooyinka iyo isku imaatinadooda.
Ilo wareedyo madax banana ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gaariga uu kaxaynayay dagaalyahanka istish-haadiga ah uu dhax bartamaha ka istaagay mucaskarta oo xilligaas lagu kulminayay in kabadan 600 oo askari kuwaasi oo sameyn rabay roondooyin dhanka ammaanka ah waxaana isla goobta ku qurbaxay 50 Askari.
magaalada Caasimadda u ah Maali ee Bomako waxaa ka bilaawday munaasabado Baroor-diiq ah oo loo sameynayo ciidamadii melleteriga ee lagu laayay howlgalkii ka dhacay waqooyiga Maali.
Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee mujaahidiintu ay ka fuliyaan wadanka Maali 19 maalmood kadib markii uu bilaawday sanadka cusub ee 2017.
Warbixino ay uruuriyeen hay’adaha sirdoonka reer galbeedka ayay ku sheegeen in 250 weerar ay mujaahidiinta alqaacidda ka fuliyeen galbeedka qaaradda Afrika sanaddii 2016.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]