25 Qof Shacab Ah oo Ku Dhintay Duqeymo Ay Diyaaradaha Ruuska ka Geysteen Waqooyiga Suuriya.

Thursday October 27, 2016 - 08:15:03
Super Admin
Ugu yaraan 20 qof shacab ah ayaa ku dhintay duqeymo bahalnimo ah oo diyaaradaha dagaalka Ruushka ay ka geysteen waqooyiga wadanka Suuriya.


Wararka ka imaanaya Suuriya waxay xaqiijinayaan in ugu yaraan 25 qof shacab ah ay ku dhinteen duqeymo ay diyaaradaha Ruushka ka fuliyeen magaalada Idlib.

Ragga Firfircoon ee soo tabiya kacdoonka Suuriya waxay sheegeen in duqeymuhu ay beegsadeen suuqyo shacab iyo xaafado dad rayid ah deganyihiin.

Diyaaradaha carsiga ah ee dowladda Ruushka ayaa caan ku ah in ay shacabka Suuriya toban toban iyo boqol boqol u xasuuqaan iyagoo ku marmarsiyoonaya la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items

Update cookies preferences