Xiisad kulul ayaa ka dhex aloolsan Dowladaha India iyo Pakistan kadib markii weerar shalay ka dhacay Gobolka Kishmiir ee dhaca xuduud beenaadka u dhaxeeya labada dal lagu dilay ku dhawaad 20 Askari oo u dhashay dalka India.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Dowladda India Rajinath Seng ayaa Dowladda Pakistan ku tilmaamay inay tahay Dowlad Argagixiso ah, isagoona Xukuumadda Islamabad dusha kaga tuuray inay soo abaabushay weerarkaasi.
Bayaan ay soo saareen Ciidamada Meliteriga ee Dowladda India ayaa waxay ku sheegeen in weerar qorsheysan oo maalintii shalay ka dhacay qeybta ay India maamusho ee gobolka Kishmiir in lagu dilay 17 Askari oo Ciidamadooda ka tirsan, islamarkaana ay kaga dhaawacmeen toboneeyo kale oo Ciidamo ah.
Sida ay ku warrameen Saraakiisha Ciidamada Meliteriga ee Dowladda India, dagaal yahanno ku qalabeysan hub culus iyo bam-baanooyin ayaa waabarigii hore ee maalintii Axadda waxay weerar xooggan ku qaadeen Ciidamo ku sugnaa meel ku dhow Saldhigga lagu magacaabo Oori ee dhaca meel ku dhow xadka u dhaxeeya labada dal, iyadoona halkaas uu ka dhashay iska hor imaad khasaare lixaad leh.
Goob joogayaal ayaa sheegay in Qaraxyo iyo rasaas culus oo la is weydaarsanayay ay dhowr saacadood oo xiriir ah ka maqlayeen deegaannada kuyaalla xuduudda u dhaxeeya labada dal, iyadoona dab la qabadsiiyay Xeryo ay daganaayeen dad Qaxooti ah oo ka agdhawaa goobta ay iska hor imaadyadu ka dhaceen.
Weerarkan waxa uu noqonayaa kii ugu xumaa ee labaatankii sano ee lasoo dhaafay lagu qaaday Ciidamada Meliteriga Dowladda India ee xoogga ku heysta qeybo ka tirsan Gobolka Kishmiir.
Weerarkan waxa uu kusoo beegmayaa xilli mudooyinkii lasoo dhaafay ay Gobolkaas ka socdeen dibadbaxyo ka dhan ah Maamulka Dowladda India u qaabilsan gobolkaasi, waxaana taasi ay keentay in Saraakiisha Ciidamadu ay xaalad bandhow kusoo rogaan Gobolka Kishmiir oo ay ku badan yihiin dadka Muslimiinta ah.
Labadii bilood ee lasoo dhaafay in ka badan 80 ruux ayaa ku dhintay rabashado ka dhashay dibadbaxyo ka dhan ahaa Maamulka Dowladda India u qaabilsan Gobolka Kishmiir.
Dowladaha India iyo Pakistan ayaa dhowr jeer ku dagaallamay Gobolka Kishmiir, waxaana dagaalladii dhex maray labada dal ku dhintay Kumanaan ruux, halka Malaayiin kalena ay ku barakaceen.