Pope Francis oo ahaa baadariga kaniisadda ugu weyn Kiristanka oo geeriyooday.

Monday April 21, 2025 - 11:46:50
Liibaan Jeexoow
Francis, oo ahaa Baadarigii ugu weynaa ee kiristanka aduunkana ahaan kii ugu horreeyay ee kasoo jeeda Laatiin Ameerika ee taariikhda Kaniisadda Katooliga ee Rooma, ayaa dhintay isagoo 88 jir ah, sida uu ku dhawaaqay Vatican-ka Isniintii.
Nin lagu magacaabo Kardinaal Kevin Farrell ayaa ka sheegay telefishinka Vatican-ka in Pope-ka uu geeriyooday 7:35 subaxnimo, isagoo yiri: "waxaan si murugo leh idinla wadaagayaa in Baadarigeennii, Francis, uu saakay geeriyooday.”

Baadarigan ayaa dhowaan kasoo baxay cisbitaal uu ku jiray muddo 38 maalmood ah, halkaas oo lagu daweynayay caabuq daran oo sambabada ah. sida ay sheegtay warbaahinta Reuters.

Xogta ayaa sidoo kale tibaaxaysa in maalin ka hor geeridiisa, uu kasoo soo muuqday fagaaraha St. Peter’s isagoo salaamayay kumannaan dad ah oo u dabaaldegayay ciid-gaalleed lagu magacaabo Iister.

Pope Francis, oo magaciisa dhabta ah yahay Jooorje Maariyo bergoogliyio, ayaa bishii Maarso 2013 noqday hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Kaniisadda Katooliga, isagoo kasoo jeeda magaalada buenos ayris ee dalka Argentina. Waxaanu ahaa Baadarigii ugu horreeyay ee Maraykan ah.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada dalka kusoo biir Telegram Channel:


Related Items

Update cookies preferences