War-murtiyeed goor dhawayd kasoo baxay taliska millateriga ee xarakada Al-Shabaab ayaa u dhignaa sida tan:
Ciidamada Mujaahidiintu waxay saakay oo Arbaco ah weerarro cagmarin ah ku qaadeen saldhigyadii ay cadawga murtadiinta ah ku lahaayeen duleedka iyo gudaha degmada Aadan Yabaal ee Wilaayada Islaamiga ah Shabeellada dhexe.
Weerarada oo billawday salaaddii subax kadib ayay Mujaahidiintu dhawr jiho kaga qaadeen ciidamada murtadiinta ee cadawga ku ah shareecada Islaamka.
Saldhigyada cadawga ee ay Mujaahidiintu weerareen ayaa ahaa toban (10) saldhig oo ku yaalla duleedka iyo gudaha degmada, ayna deganaayeen maleeshiyaad kala duwan oo ashahaado la dirir ah kuwaas oo ay tiradoodu ahayd qiyaastii 2,500 (Laba kun iyo shan boqon) oo askari.
Dagaallo xooggan kadib, Mujaahidiintu waxay – Allaah fadligiis – cagta mariyeen dhamaan sadhigyadii cadawga, waxayna si buuxda ula wareegeen fariisimayaashii murtadiinta iyo guud ahaan degmada Aadan Yabaal.
Ciidamadii cadawga Islaamka ahaa oo uu hogaaminayay murtad Odawaa Yuusuf Raage ayaa si habqan ah uga cararay saldhigyadooda, waxay u kala firxadeed dhulka baadiyaha ah ee duleedka Aadan Yabaa.
Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac xooggan oo soo gaaray murtadiinta ashahaado la dirirka ah. Mujaahidiinta ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub, saanad iyo maxaabiis laga qabtay cadawgii lagu jebiyay dagaalka Aadan Yabaal.
Wixii faahfaahin ah dib ayaan ka soo gudbin doonnaa insha’Allaah.