FAAH-FAAHIN: Weerarro cag-marin ah oo saaka xoogagga Al-Shabaab kula wareegeen deggaanno dhowr ah.

Wednesday March 26, 2025 - 08:12:11
Liibaan Jeexoow
Wararka saaka ka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya weerarro cag-marin ah oo saaka jihaadiyiinta Al-Shabaab kula jarmaadeen xeryo ay degganaayeen maleeshiyaadka Gurguurte.
Dagaallo socday in muddo ah kadib, waxaa xoogagga Al-Shabaab ayay u suuro-gashay in ay si dhamaystiran ula wareegaan saldhigyo ay maleeshiyaadka Gurguurte ku lahaayeen magaallada Masaajid Cali Gaduud.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyadkii DF Somaliya ee lagu jebiyay dagaalladaasi ay u firxadeen dhanka deggaanka Geel-gub.

Jihaadiyiinta ayaa sii baacsaday firxadkii maleeshiyaadka waxaanay kaga daba-tageen deggaanka Geel-gub halkaas oo sidoo kale dhegta dhiigga loogu daray.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in dagaalyahannada Al-Shabab ay gabi ahaanba deggaanka Geel-gub oo 10KM u jira deggaanka Xaaji Cali.

Maydad fara badan ayaa lagu soo warramayaa in ay daadsan yihiin goobihii lagu dagaallamay iyo weliba duurarkii ay ku firxadeen.

Sidoo kale waxaa jira maxaabiis dagaal oo gacanta ay ku dhigaan xoogagga Al-Shabaab, xilli lagu soo warramayo in lasii baacsanayo maleeshiyaadka Gurguurte.

Weerarka cagmarinta ah ee saaka ka dhacay magaalada Masaajid Cali Guduud iyo la wareegitaanka Geel-gub wuxuu ku soo aadayaa iyadoo Xassan Gurguurte, uu maalmahaan ku sugnaa degmada Cadale oo wax yar u jirta Masaajid Cali Guduud.

Gurguurte ayaa maalmahanba calaacal xooggan ka muujinayay fulaynimada haysata maleeshiyadkiisa, waxaanu ku boorinayay inay dagaalka u adkaystaan.

Guubaabo iyo Guurow la tiriyaaba waxay saaka kusoo idlaadeen kabtay meeday, waxaanay maleeshiyaadkii u kala firxadeen jihooyinkii ay nafta bideen.

La socda wixii kusoo kordha insha ALLAAH…….

Wararka deg-degg ahna kala socdka Channelka Telegramka: https://t.me/+11KcnfGSyV1kMjNk

Related Items

Update cookies preferences