FAAH-FAAHIN: Weerarro lagu beegsaday ciidamada Kenya, Uganda iyo maleeshiyaad taabacsan.

Sunday March 23, 2025 - 11:56:47
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saaka weerar cag-marin ah kula jarmaaday xero ay maleeshiyaadka Soomaalida ee kaba-qaadka u ah dawladda Kenya ku leeyihiin deggaanka Biyo-madoobe oo hoos-taga degmada Faafi ee gobolka Gaarisa oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Maleeshiyaadkan oo lagu soo warramayo inay si gaar ah ula shaqaynayeen ciidamada afduubka ee dawladda Kenya oo dhibaato xooggan ku haya dadka muslimiinta ah.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in jihaadiyiintu ay si buuxda ula wareegeen xeradaasi, isla markaana ay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaaray maleeshiyaadka iyo weliba saanad laga furtay.

Sida ay sheegayaan xogihii u dambeeyey ee soo baxay weerarkaasi waxaa lagu dilay ugu yaraan 5 askari, waxaana laga soo furtay 4 qori oo AK47 ah iyo Qori RPG ah.

Sidoo kale xoogagga Al-Shabaab waxay maanta qarax culus la beegsadeen kolonyo ciidamo Kenyaan ah oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa deggaanka Finow iyo Sheekh Barow oo hoos-taga degmada Lafeey ee gobolka Mandheera oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya.

Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in qaraxaasi uu haleelay gaari Taaw ah, isla markaana ay ku naf-waayeen askartii Kenyaanka ahayd ee la socotay gaarigaasi oo gabi ahaanba ku burburay qaraxaasi.

Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa ka dhacay habeenkii xalay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku mireen xerada askarta Uganda ee degmada Jannaale.

FG: Si aad u hesho wararka degdegga ah kusoo biir Channel-kayagana cusub: https://t.me/+fgpQcPdzzy4wZDQ0

Related Items

Update cookies preferences