Wararka ka imanaya dalka Soomaaliya ayaa sheegaya hawl-gallo ay xoogagga Al-Shabaab fuliyeen saacadihii lasoo dhaafay.
Gobolka Baay, qarax xooggan ayaa saaka lala beegsaday ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaallada Baydhabo.
Ugu yaraan 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka Xabashida ayaa lagu dilay qaraxaasi, 2 kalena waa lagu dhaawacay.
Geesta kale maleeshiyaadka Laftagareen ayaa la gaarsiiyey khasaare kala duwan kadib markii xalay lala beegsaday qarax culus xilli ay ku lugaynayeen gudaha magaallada Baydhabo.
Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa ka dhacay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ku mireen saldhigyada maleeshiyaadka Gurguurte ee degmada Jannaale iyo deggaanka Arbacow.
Geesta kale waxaa la baahiyey saanaddii millateri ee xoogagga Al-Shabaab ay kusoo furteen weerarkii cag-marinta ahaa ee ay kula wareegeen xarumaha maleeshiyaadka Gurguurte ee degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.
Sawirradaasi oo muujinaya agabka kala duwan ee lag afara-maroojiyey maleeshiyaadkaasi ayaad hoos kaga bogon kartaan.