Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya hawl-galladii cag-marinta ahaa ee ka kala dhacay Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose.
Ugu yaraan 3 askari ayaa ku dhintay, 4 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax saaka lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka Gurguurte.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxaasi oo ka dhacay Lafoole ee Shabeellaha hoose sidoo kale gabi uu gabi ahaanba ku basbeellay mid ka mida baabuurtii kolonyada ahayd oo noociisu ahaa Cabdi Bile.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in duqayn culus ay xoogagga Al-Shabaab ku beegsadeen firxadka maleeshiyaadkii Gurguurte ee lagu jabiyey degmada Awdheegle kuwaasi oo u baxsaday deggaanka Bariire.
Sidoo kale Jihaadiyiintu waxay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka DF Somailya ay ku leeyihiin deggaanka Number 60 ee Shabeellada Hoose.
Bayaan ay soo saartay xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegtay in gabi ahaanba ay la wareegeen degmada Aw-dheegle, isla markaana ay jiraan, maxaabiis, hub iyo saanad millater oo ay gacanta ku dhigeen.
Geesta kale dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa gabi ahaanba la wareegay saldhig ay isku urursanayeen maleeshiyaad ka tirsan kuwa Gurguurte oo ku yaalla deggaanka Sumadaale ee duleedka Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadka Gurguurte ay tiraba 3 jeer isku dayeen inay soo rogaal-celiyeen balse waxay la kulmneen jab xooggan oo dhabarka loo saaray.
Goobihii lagu dagaallamay ayaa lagu soo warramayaa inay bilqan yihiin maydad aad u fara badan oo ay ka yaaceen maleeshiyaadka Gurguurte. Waxaana ka mid ahaa sarkaal magaciisa lagu sheegay Kabtan Farey oo sawirkiisa aanu soo helnay.
Al-Kataa’ib oo ah garabka warbaahinta ee Al-Shabaab ayaa goor dhawayd baahisay sawirrada weerarka Sumadaale, oo muujinaya jabka xooggan ee la gaarsiiyey maleeshiyaadka Gurguurte. Sawirrada oo dhamaystiran linkigan ka raaco: https://t.me/+lHmIJJh9RKU3Nzhk
Taliska millateriga ee Xarakada Al-Shabaab ayaa war kasoo saaray weerarka lagu soo afjaray maleeshiyaadka Gurguurte ee deggaanka Sumadaale. Waxaanu u dhignaa sidan: