Xukuumadda xarunteedu tahay Jubba ayaa iska fogeysay eedaymo ay u jeedinaysay dalkii ay hore uga tirsanaayeen ee Suudaan.
Eedaymahan ayaa la xiriiray in Immaaraatku Koonfurta Suudaan ka dhisay cisbital weyn oo loogu talo galey Malleeshiyada RSF.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Koonfurta Suudaan Ramadan Maxamed Cabdalla oo warbaahinta u warramay ayaa beeniyay eedaymaha xukuumaddiisa loo jeediyay.
Wasiirku waxa uu sheegay in cisbitalka la sheegayo ee laga dhisay Waqooyiga Gobolka Baxral-Qasal uu ahaa mashruuc ay hore Immaaraatku u fuliyeen oo lagu xoojinayey xiriirka labada dhinac(UAE iyo S. Sudan).
"Ma jirto sabab aan uga jawaabno warbixin kasta oo lagu baahiyo miidhiyaha” ayuu yiri Ramadan Maxamed.
Waxa aanu intaa raaciyey in aaney xukuumaddiisu rabin in ay door qarriban ka ciyaarto xaaladda dagaal ee ka jirta Suudaan.
"Aan arrinka caddeeyo, Xukuumadda Koonfurta Suudaan ma jirto wax dan ah oo ugu jirta in ay door xun ka ciyaarto xaaladda colaadeed ee Suudaan, madaxweynahayaga ayaaba marar dhowr ah gogol nabadeed ugu baaqey dhinacyada is haya ilaa xilligii dirirtu bilaabantay”.
Tan ayaa daba socotey ka dib markii wasiir ka tirsan Suudaan uu sheegay in ay walaac ka qabaan warar ay saxaafaddu warinayso oo tibaaxaya in cusbital Immaaraatku hirgaliyey ay RSF adeegsanayso.