Waxa saaka dagaal ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Dooxada-Dureere ee Gobolka Sanaag dagaal u dhexeeya laba beelood oo walaalo ah.
Dagaalkan oo ka kacay dhul daaqsimeed ayaa waxa ku nafwaayey dad 10 ruux kor u dhaafaya. Dhaawaca ayaana intaa ka badan sida lagu soo warramayo.
Dedaallo nabadeed oo ay wadaan odayaal beeleedyo ayaa ilaa hadda socda.
Duullaannada kala duwan ee shisheeyuhu uu kusoo qaaday Soomaaliya ayaa qayb ka ah inta badan colaadaha u dhaxeeya dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.