Iyadoo qayb ka ah isku dayada lagu doonayo in bariga Afrika looga tirirto islaamka iyo ehehlkiisa, ayuu maamulka gumaystaha Yahuudu uu gumadihiisa soo dhigay buqcadaan istiraatiijiga ah, si uu u hergaliyo ahdaaftiisa iyo damacyadiisa dhagaraysan ee ah inuu gaallada Nasaarad u gacan-qabta muslimiinta geeska Afrika.
Tan iyo markii dhidibada ay u taageen dawladaha Reer-Galbeedku maamulkaan gumaystaha ah, laguna beeray qalbiga dhulka barakaysan ee reer Filastiin, kuma ekaan in uu ku tunto muqadaasta muslimiinta kuwooda ugu muhiimsan, ee waxuu isku fidayay taago kasta oo ka mid ah dhulalka islaamka, isagoo daaha gadaashii ka maamulaya dabinnada iyo shiqoollada lagu xagal-daacinayo ummada muslimka ah.
Wixii ka danbeeyay dagaalladii Carabta iyo Yahuuda, ayuu maamulka gumaystahu qaaday tallaabo uu taageero siyaadeed oo xooggan ugu yeelanayo qaarada Afrika, waxuuna si gaar ah u doortay kuwa dhaca bariga qaarada Africa, maadaama mandiqadaan ay ku xiran yihiin danaha Yahuudda ee gobolka, sidoo kalena ay tahay goob ay ku hirdamayaan xaqqa iyo baadilka.
Mid ka mid ah masaalixda Yahuudda ee bariga Afrika ka doonayso waa quwad ciidan oo iyada garab u ah, waxuuna maamulkan dadaal dheer ku bixiyay sidii dawladaha Nasaarada ee dhaca geeska qaarada uu ugu dhisi lahaa awooddooda, si ay madaxa kaga istaagaan malaayinta muslimiinta ah ee dega gobolka.
Dawladaha Itoobiya, Kenya iyo Uganda ayaa ah kuwa sida jootada ah ugu taagan kaalmada millatari ee Yahuudda, waxaa loo tababaraa sannad kasta kumanaan ciidan ah oo ka tirsan Milatariga, Booliska iyo ilaalada Madaxtooyada.
Khubaro millatari iyo tababarayaal Yahuud ah ayaa si joogta ah tababar u siiya ciidamada cirka ee dawladaha Kenya iyo kuwa Uganda, iyagoo sidoo kale ka taageera arrimo ay ka mid yihiin isgaarsiinta ciidanka iyo hawl-gallo dhinaca Bada ah.
Dhinaca Sirdoonka, waxuu Moosaadka Yahuuddu fara-galin ku haayay bariga Afrika ilaa sanadkii 1976-dii kolkaas oo ay ciidamada gaarka ah ee maamulka Yahuuddu hawl-gal qorshaysan ka fuliyeen dalka Uagnda oo ay kusoo furteen diyaarad ay afduubteen Kooxo Filistiiniyiin ah, oo doonayay in dadka Yahuudda ah ay ku bedeshaan maxaabiis Filistiiniyiin ah oo ku xiranyd xabsiyada Yahuudda .
Kadib weeraradii safaaradaha Maraykanka ee Nayroobi Iyo Daaru Salaam, ayuu sirdoonka Yahuuddu sii xoojiyay hawl-galladiisa bariga Afrika, isagoo ku andacoonaya waxuu ugu yeeray la-dagaallanka argagaxisada, iyadoo magaalada Nayroobi ay aheyd xaruntii Moosaad-ka ee Afrika.
Sanadkii 2013-kii markii uu dhacay weerarkii Westaget Mall ee xoogagga Al-Shabaab ay ka fuliyeen magaallada Nayroobi ee dalka Kenya, ayuu si muuqda u soo shaac-baxay doorka Yahuuddu ay ku leedahay dagaalka ashahaado-la-dirinimo ee ka socda bariga qaarada Afrika.
Intii uu socday weerarkaas waxaa gudaha Kenya lasoo galiyay ciidamo gaar ah oo ka socda mamulka gumaystaha Yahuudda, oo ka qayb-qaadanayay sidii ay kusoo af-jari lahaayeen weerarka iyo sidii gaalladii ku go’doonsanayd moolka loo soo badbaadin lahaa, maadaama milkiyadda moolka Westaget ay lahaayeen ganacsato Yahuud ah.
Dhinaca dhaqaallaha, Yahuuddu waxay gobolka ku leedahay shirkado waaweyn oo ganacsi, kuwaas oo lacag balaayiin Dollar ah ku shaqeeya , iyagoona ka howl-gala shirkadahaasi dalalka Uganda, Kenya iyo Itoobiya.
Shirkada ganacsiga ee Solel Boneh ayaa ka mid ah shirkadaha Yahuudda ee sida firficoon kaga hawlgasha bariga qaarada Afrika, shirkadaan ayaa qaabilsan arimaha dhismaha, sida Garoomada diyaaradaha , Dekadaha, guryo dawladeed iyo dhisidda waddooyinka iyo waxii la mid ah.
Shirkadda Agrid AP oo iyaduna qaabilsan arrimaha beeraha ayaa ka mid ah shirkadaha waawayn ee Yahuuddu leedahay ee ka hawl-gala geeska qaarada Afrika, Shirkadaha Kor, Motorla iyo Karmel oo ka shaqeeya arimaha Elagtaaroniga, Biyaha iyo Kiimikada ayaa iyagana ka hawl-gala sedexdaasi dal.
Dhanka kale mandiqada Geeska Afrika oo ah mid ay ku badan yihiin colaadaha, waxay shirkadaha hubka soo saara ee Yahuuddu ay u noqotay halka ugu badan ee ay ka macaashaan.
Hubka ay soo saaraan shirkadaha gumaystaha ayaa si aad ah loogu adeegsaday dagaalladii dhax-maray Eratariya iyo Yamen ee Jaziiradda Xaaniish, cooladdii waqooyiga iyo Koonfurta Suudaan tan iyo lixdameeyadii.
Marka laga soo tago masaalixda Yahuudda ee bariga Afrika, dhanka kale waxuu maamulkan uu hogaamiyay ol’ole ka dhan ah muslimiinta bariga Afrika iyo waqooyiga qaaradda, isagoo qaaday isku dayo uu biyaha kaga jarayo muslimiinta Soomaaliya, Masar iyo Suudaan.
Xiligii ay jirtay dawladdii shuuciyada ahayd ee Maxamed Siyaad Bare, waxay shirkado ay leeyihiin maamulka gumaystaha Yahuuddu soo hindiseen mashruuca biyaha wabiga looga jarayo beerlayda Soomaaliyeed, iyadoo wabiga la leexinayo isla markaana mashruuc waraabineed loo samaynayo beeraleyda Itoobiyaanka ah, balse qroshahaasi ayaa Allaah fadligii noqday mid fashil kusoo idlaaday .
Maamulka gumaystaha Yahuudda ayaa sidoo kale kaalin wayn ka qaatay mashruuca biya-xireenka Al-Nahdah, oo ay dawlada xabashida Itoobiya ka dhistay halka uu kasoo askumo wabiga Niil, maamulka gumeystaha Yuhuuda ayaana ka mid ahaa dadkii maal-galiyey mashruucan oo ay ku baxday Balaayiin Dollar.
Mid ka mid ah ahdaafta ugu waawayn ee biya-xireenkaasi loo dhisay waxaa kamid ah, in biyaha looga jaro muslimiinta Suudaan iyo Masar, inkasoo hadda mashurcaasi lasoo gebo-gabeeyey, hadana dowladda xabashidu waxay awood u yeelatay in ay xakameyso biyaha wabiga ee gaaraya dalalka Masar iyo Suudaan markii ay doontana ay ka jarto.
Ra’zul Wazaaraha Yahuudda Bin Yamiin Natnyaahu ayaa isagoo socdaal ku marayay gobolka sanadkii 2016, mar uu booqday Itoobiya ku dhiiri-galiyay in ay soo wadaan dhsimaha biya-xireenka Al-Nahdah maamulkiisuna uu wax waliba la garab taagan yahay.
Marka laga hadlayo Soomaaliya iyo masaalixda Yahuuddu ka doonayso dalkan, ma ahan mid hadda soo billawday, waxuuna sii xoogaystay tan iyo markii dawladaha Reer-Galbeedka ay dhiseen nidaamkan hadda ka jira dalka.
Xasan Gurguurte oo ah madaxa Kooxda Villa Somaliya ayaa tiraba dhawr jeer tagay magaallada Talaabiib oo ah caasimadda gumaystaha, isagoo halkaas kula kulmay madaxda Yahuudda, waxaana soo baxayey warar sheegaya in Xasan Gurguurte uu tagay deggaannada ay Yahuudu xoogga ku haysato, kadib markii dib dib loo doortay bishii May ee sanadkii 2022.
Sidoo kale maamulka Yahuudda ayaa wada qorshe uu sladhig millatari kaga dhisanayo Soomaaliya, qorshahaas oo wakiil ay uga tahay dawladda daba-dhilifka ah ee Imaaraatka Carabta.
Waxgaradka gobolka Sanaag ayaa sanadkii hore sheegay in madaxwaynaha maamulka la baxay Puntland, Siciid Cabdullahi Dani iyo Xasan Gurguurte ay Imaaraatka iyo Yahuuda ka iibiyeen deggaan hoos-taga dagmada Laas-Qoray .