Fagaarayaal kuyaal degmooyin dhaca gobollada Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha hoose waxaa shalay ka dhacay xukunno lagu fuliyay dad dambiyo kala duwan galay.
Degmada Kurtun Waareey shalay gelinkii dambe waxaa lug iyo gacan isdhaaf ah looga gooyay nin burcad ahaa oo dhac ugeysan jiray gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ganacsiga.
Dhinaca kale fagaare kuyaal degmada Ruun-nirgood ee gobolka Sh/dhexe waxaa shalay lagu dilay laba nin oo lagu eedeeyay in ay ushaqeynayeen sirdoonka dowladda Federaalka.
Axmed Max'med Foodeey iyo Cabdi Daahir Xiireey ayaa ladilay kadib markii gacanta lagusoo dhigay iyagoo askar u ah dowladda Federaalka Soomaaliya isla Sh/dhexe waxaa 100 Jeydal lagula dhuftay wiil dhalinyara ah oo isagoo aan guur soo marin fal kufsi ah ugeystay qof dumar ah.
Maxkamadaha islaamiga ah ee ka dhisay gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa taqdiibiya shareecada islaamka waxayna dadku ku heleen ammaan iyo kala dambayn
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]