Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaaraddii saaka ku burburtay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka afisyooni ee xayndaabka xerada Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee ay deggen yihiin shisheeyaha duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya.
Madaxa hey’adda duulista ee kooxda Villa Somaliya Axmed Macalin ayaa u sheegay BBC-da in diyaaraddu ay ku dhacday qaybta milatari ee garoonka diyaaradaha kaddib markii ay kasoo duushay saldhigga ciidamada Maraykanka ee Ballidoogle oo ku yaalla qiyaastii 90km waqooyi-galbeed ka beegan magaalada Muqdisho.
Diyaaraddan ayaa la xaqiijiyey in ay ku degi rabtay qaybta gaarka ah ee xerada Xalane ee loo yaqaan M23 oo ay deggen yihiin saraakiisha AFRICOM, shaqaalaha safaaradda Maraykanka, iyo weliba sirdoonka Maraykanka ee ka hawl-gala gudaha dalka Soomaaliya.
Taliska ciidamada Afrikaanta ee isbahaysiga AUSSOM ayaa war-murtiyeed kooban oo ay soo saareen ku xaqiijiyey dhacdadan, iyagoo sheegay in diyaaraddaasi ay kasoo kacday garoonka Balli-doogle, si lama filaan ahna ay ugu dhacday magaalada Muqdisho.
Sidoo kale bayaan goor dhawayd kasoo baxay taliska millateriga ciidamada Uganda, kuna saxiixan yahay Felix Kulayigye oo ah afhayeenka ciidamada, ayaa lagu sheegay in diyaarad Helicopter ah oo iyagu ay lahaayeen, nooceeduna yahay Mi-24 ay saaka ku dhacday magaalada Muqdisho.
Devdiscourse oo ah warbaahin caalami ah oo laga leeyahay dalka Hindiya ayaa sheegtay in ilaa hadda aan si dhab ah loo qeexin in diyaaradan laga leeyahay Mareykanka iyo in ay ka tirsan tahay howlgalka Midowga Afrika ee isbahaysiga AUSSOM.
Diyaaradda waxaa saarnaa 8 qof iyo saanad millateri, waxaanay ku gudo-jirtay duullimaadyo dagaal ka hor inta aanay dhicin, sida lagu faahfaahiyey war-saxaafadeedka oo lagu baahiyey mareegta rasmiga ah ee taliska millateriga ee ciidamada Uganda.
Ugu yaraan 5 qof oo ka mida xubnihii saarnaa diyaaradda ayaa dhintay, saddex kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo garaab ah sida lagu xaqiijiyey war-murtiyeedka ciidamada Uganda. Iyadoo intaas la raaciyey in uu jiro khasaare xooggan oo ka dhashay rasaas ku rarnayd diyaaradda oo qaraxday.
Warbaahin laga leeyahay Kanada oo la yiraa City News ayaa ku warrantay in diyaaradda ay saarnaayeen askarta AUSSOM. Waxaana jiraa saamayn ballaaran oo qaraxu uu sameeyey, kaas oo burburiyey dhismayaal ka agdhawaa halka ay ku dhacday diyaaraddu, sida lagu caddeeyey bayaanka uu soo saaray Afhayeenka ciidamada Uganda.
Isku dayo loogu gurmadeed ayaa gebi ahaanba fashilmay sababo lalal xiriiriyey dabka ka kacay diyaaradda oo aad u xoogganaa sida ilo amni ay xaqiijiyeen. Waxaana meelo fog laga arkaayay qiic iyo uuro madow oo cirka isku shareeray.
"Diyaaraddayadu waxay ku jirtay hawl-gal weerar ah, waxaana lagu soo raray gantaallo, kuwaas oo sababay dabka ka kacay diyaaradda…” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Uganda mar uu sidoo kale uu maanta u warramayay Xinhua News Agency oo ah wakaaladda rasmiga ah ee wararka dowladda China.
Afhayeenka ayaa sidoo kale warbaahinta Xinhua u sheegay in dhawaan ay magaalada Muqdisho u diri doonaa koox baaritaanno ku sameyn doonta sababta dhabta ah ee keentay in diyaaraddani soo dhacdo, taas oo uu xusay in ilaa hadda aan laga war haynin.
"Diyaaraddayada Helicopter-ku waxay ku jirtay hawl-gal weerar ah, waxaana lagu soo raray gantaalo, kuwaas oo sababay dabka, Haddii ay ahayd weerar dibadda ah, maanaan baari lahayn sababta maadaama aan ogaan lahayn waxa keenay," ayuu afhayeenka ciidamada Uganda u sheegay wakaaladda wararka Xinhua.
Farax Cabdulle, oo ka shaqeysa garoonka diyaaradaha, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay "Waxaan maqalnay qarax, waxaanan aragnay qiiq iyo dab ka kacay diyaaradda. Waxaanu qiiqu uu gebi ahaanba daboolay diyaaradda.”
Muuqaallo si weyn ugu dhex faafay baraha bulshada ayaa muujinaya baaxadda khasaaraha iyo weliba baabuur fara badan oo goobtaasi ku basbeeshay, kuwaas oo qaarkood ay ka muuqato astaanka waxa loogu yeero Qaramada Midoobay.
Nigerian Sketch oo ah warbaahin laga leeyahay dalka Nayjeeriya ayaa xustay in dhacdooyin dhowr ah oo noocan oo kale ah ay muddooyinkan dambe wajahayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ay leeyihiin ciidamada Midowga Afrika ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.
Warbaahintani waxay garwaaqsatay in dhacdooyinkani ay calaamatu-su’aal saareen hawlgalka AUSSOM iyo jihada guud ee uu ku socdo dagaalka Soomaaliya, maadaama ayay tiri ay jihaadiyiinta Al-Shabaab ay horey u soo bandhigeen xaqiiqada ah in iyagu ay soo ridista diyaarad ku dhacday Xawaadley.
Falalkani waa kuwo guul weyn ugu fadhiya xoogagga Al-Shabaab ayay tiri warbixintan ay maanta daabacday Nigerian Sketch, iyadoo intaa raacisay in dhinaca kalena hoos-u-dhac ballaaran oo ku yimid kalsoonida lagu qabo hawl-galka ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha midowga Afrika.
The Witness, oo ah wargeys maalinle ah oo kasoo baxa dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in dhacdadani ay kusoo aadayso xilli hawl-galka AUSSOM uu wajahayo dhibaatooyin dhaqaale, iyadoo ay isa soo tarayso cabsida laga qabo dagaalyahannada Al-Shabaab oo isku fidiyey dhul aadu ballaaran.