Weerarada is xigxiga ee dagaalyahannada Al Shabaab ay ka fulinayaan gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa saameyn ku reebay ammaanka xarumaha ugu muhiimsan DF-ka iyo shisheeyaha la shaqeeya.
Weerar madaafiic ahaa oo saaka aroortii hore lagu qaaday xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin Soomaaliya ayaa si aad ah looga hadal hayaa Muqdisho.
Yuusuf Xaaji Cabdi Aadan oo soo noqday wasiir ayaa sheegay in weerarada madaafiicda ee dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin ay ku qaadayaan madaxtooyada Villa Somalia iyo xerada Xalane ay banaanka soo dhigayaan fashilka amni ee xukuumada Xamza Cabdi Barre.
Wuxuu sheegay in astaamaha muujinaya fashilla DF-ka ay kamid yihiin in ay lacago canshuura ah ka gurato suuqyada iyo xaafadaha Muqdisho balse aysan ka hortegi karin weerarada mujaahidiinta.
"Dowladda, Hoobiyaha ogaan wayday ee Buruska guryaha ogaatay miyaanay amniga ku fashilmin?” Yuusuf Xaaji oo bidhaaminayay in maleeshiyaadka dowladda ay lacago baad ah ka qaadaan marka guryaha ladhisayo ayna horor ku yihiin hantida shacabka.
Sidoo kale siyaasiyiin iyo saxafiyiin ayaa baraha bulshada ku faafiyay sawirro lagasoo qaaday goobaha lala helay madaafiicda, shacabka ku dhaqan Muqdisho ayaa saaka aroortii hore maqlay jugta qaraxyo dhowr ah oo ka dhashay madaafiicda Xalane lagu weeraray.
Goobaha ay jihaadiyiinta Alshabaab labeegsanayaan weerarada ayaa ah kuwa xasaasi ah waxaana marwalba weeraradan warsaxaafadeedyo dhaleecayn ah kasoo saarta waxa loogu yeero beesha caalamka.
Ciidamada shisheeyaha Afrikaanta ee duullaanka ku jooga Soomaaliya inkabadan 18 sanadood ayaa awoodi la' in ay sugtaan ammaanka saldhigga ugu weyn ee ay ku leeyihiin dalka.