Waxaa goor dhawayd la baahiyey sawirrada weerarkii saaka ay dagaalyahannada Al-Shabaab kula wareegeen saldhigyadii maleeshiyaadka Gurguurte ee deggaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Sawirradan ayaa muujinaya jabka xooggan ee gaaray maleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaa. Waxaana gacan-ku-haynta deggaankaasi si buuxda ula wareegay Al-Shabaab.
Qaar ka mida maydadka maleeshiyaadka Gurguurte ee bilqan goobaha dagaalka ayaa lagu arkayaa sawirrada la baahiyay.
Firxadka maleeshiyaadkan ayaa lagu soo warramayaa in goor dhawayd ay qaarkood orod ku galeen degmada Cadale oo 70 KM u jirta Wargaadhi.
Warar hor leh oo soo baxaya ayaa sheegaya in la wareegista deggaankani ay saamayn xooggan ku yeelatay deggaanno kale oo ay joogeen maleeshiyaadku.
Waxaa haatan go’doon ku jira oo caloosha jihaadiyiinta soo galay deggaannada kala ah Nuur-dugle iyo Caddaan Laxeey.
Qoob-gariir xooggan ayaa haysta maleeshiyaadkii ku sugnaa deggaannadaasi, waxaana la sheegayaa in ay soo food-saartay cabsi iyo werwer fara badan.
FG: Wixii sawirro ah ee dheeraada kaga bogo Telegramka: