DEG-DEG: Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay deggaanka Aboorreey ee gobolka Hiiraan + SAWIRRO.

Monday April 07, 2025 - 12:03:02
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay goor dhawayd dagaal kula wareegeen deggaanka Aboorreey oo dhaca duleedka Buulaburde.
Maleeshiyaadka Gurguurte ayaa la sheegayaa in si xun loogu jabiyey dagaalkaasi, isla markaana laga fara-maroojiyey goobihii ay kaga sugnaayeen deggaankaasi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale dhabar-jab xooggan ay maleeshiyaadkaasi kala kulmeen weerarro rogaal-celis ah oo ay isku dayeen inay qaadaan.

Xaaladda deggaanka Aboorrey ayaa haatan deggan, waxaana si buuxda gacanta ugu haya jihaadiyiinta Al-Shabaab, waxaanay halkaasi ka taageen raayada Tawxiidka.

Halkan hoose kaga bogo sawirro goor dhawayd la baahiyey oo muujinaya sida ay jihaadiyiinta Al-Shabaab ula wareegeen gacan-ku-haynta deggaankaasi.

Related Items

Update cookies preferences