FAAH-FAAHIN: Weerar xasmin ah oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay saaka kula wareegeen deggaanka Wargaadhi.

Thursday April 24, 2025 - 07:42:24
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya weerar culus oo xasmin ah oo saaka ay jihaadiyiinta Al-Shabaab kala dul-dhaceen maleeshiyaadka Gurguurte.
Jihaadiyiintu waxay saaka beegsadeen saldhiggii maleeshiyaadka Gurguurte ay ku lahaayeen deggaanka Wargaadhi ee Shabeellaha dhexe.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalyahannadu ay cagta mariyeen maleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaa isla markaana ay sii baacsanayaan dhinaca xeebta.

Xogta wararkii ugu dambeeyey ee aanu helnay ayaa tibaaxaysa in jihaadiyiintu ay gebi ahaanba la wareegeen deggaanka Wargaadhi iyo saldhigyadii halkaasi ku yaallay.

Waxaa jira khasaare culus oo soo gaaray maleeshiyaadka DF Somaliya, waxaana lagu soo warramayaa in maydadkoodu ay bilqan yihiin goobtii lagu dagaallamay.

Deggaanka Wargaadhi oo 20 KG u jira Masaajid Cali Guduud, waxaa ku yaallay taliskii ugu weynaa ee maleeshiyaadka Gurguurte ay haatan ku lahaayeen gobolka Shabeellaha dhexe, Hiiraan, Banaadir iyo gobollada dhexe oo dhan.

Sidoo kale deggaankan waxaa ku yaallay saldhig iyo garoon diyaaradeed oo ciidanka Maraykanka iyo calooshood-u-shaqaystayaashiisa Bangaraafta Danab ay ku lahaayeen.

Deggaankan ayaa ah deggaan istaraatiijiya oo u dhow dhinaca xeebta, waxaanu isku xirayay gobollada Banaadir, Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.

Maalmahan u dambeeyey deggaanka waxaa isku urursanayay maleeshiyaadkii firxad ah iyo kuwo horey usii joogay, waxaana dhammaantood saaka ka dul-yeedhay rasaasta jihaadiyiinta.

La soco wixii kusoo kordha Insha Allaah..........


FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences