SAWIRRO: Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacday Xalane iyo khasaaraha weerarradii shalay oo sii kordhay.

Wednesday March 19, 2025 - 13:34:13
Liibaan Jeexoow
Warar goor dhawayd nasoo gaaray ayaa sheegaya weerar madaafiic ah oo xoogagga Al-Shabaab ay gelinkii hore ee maanta ku weerareen xarunta shisheeyaha ee Xalane ee magaallada Muqdisho.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray shisheeyihii halkaasi ku sugnaa.

Xarakada Al-Shabaab oo goor dhawayd war soo saartay ayaa sheegtay in weerarkan oo iyagu fuliyeen uu geystay khasaare kala duwan.

Geesta kale waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weerarradii shalay lagu naafeeyey maleeshiyaadka DF Soomaaliya.

Ugu yaraan 42 askari oo ka tisan maleeshiyaadka Gurguurte ayaa lagu dilay weerarkii cag-marinta ahaa ee shalay ka dhacay deggaanka "Warta Dibi Samatar” ee duleedka magaalada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha dhexe. Waxaana jira maxaabiis nool nool oo u gacan-galay Al-Shabaab.

Al-Kataa’ib oo ah maktabka Warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay baahiyey sawirrada weerarka Warta Dibi Samatar, kuwaas oo hoos qaybo ka mida aad ka arki kartaan, halka qaybaha kalena aad ka raacan kartaan linkiga Telegram-ka.

Sidoo kale ugu yaraan 16 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ayaa lagu dilay, 12 kalena waa lagu dhaawacay weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Hareeri Caadle ee duleedka magaallada Muqdisho.

Geesta kale waxaa baraha bulshada aad ugu faafay sawirro muujinaya burbur xooggan oo soo gaaray baabuur xabbaddu aanay karin oo galbinaysay kolonyadii Xasan Gurguurte ee shalay lagu weeraray afaafka hore ee madaxtooyada Villa Somaliya.

Burburka baaxadda leh ee soo gaaray baabuurtaasi iyo weliba goobtii uu qaraxaasi ka dhacay waxaad kaga bogan kartaan sawirrada hoos idiinka muuqda.

Gobolka Gedo, waxaa isna xalay ka dhacay weerar ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku beegsadeen xero ay askarta DF Somaliya ku leedahay degmada Luuq.

FG: Sawirrada dheeraadka ah iyo weliba wararka deg-degga ah kala soco channel-ka Telegramka ee https://t.me/+Cse3evQ1fh0yZTA0

Related Items

Update cookies preferences