BOOLISKA KENYA: Al-Shabaab ayaa la wareegtay magaallada Mangai ee gobolka Lamu.

Monday March 17, 2025 - 15:36:35
Liibaan Jeexoow
Wargeyska Daily Nation oo ka mida warbaahinta ugu afka dheer dalka Kenya ayaa warbixin ka qoray weerar culus oo xoogagga Al-Shabaab ay habeen hore ku mireen xerada ciidamada Kenya ee magaallada Maangaay oo ka tirsan gobolka Laamu ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Guddoomiyaha gobolka Lamu ninka lagu magacaabo Wesley Koech ayaa dhacdadan u xaqiijiyey wargeyska, waxaanu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay hal meel isugu keeneen dadka deggaanka, kuna wacdiyeen kadibna ay Timir u qaybiyeen.

Koech ayaa sidoo kale carabaabay in kooxdu ay hawl-galkan fulisay xilli laamaha kala duwan hey’adaha ammaanka ee gobolka Lamu ay heegan buuxa ku jireen tan iyo wixii ka dambeeyey bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Gubo Saalim oo ka mid ah dadka deggaanka ayaa sheegay inuu arkay rag hubaysan oo uu u maleeyay inay qayb ka yihiin hey'adaha amniga ee aaggaasi ka hawl-gala. Balse gadaal aan ka ogaaday ayuu yiri inay yihiin Al-Shabaab.

"Waxa ay na bareen muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo Islaamka iyo caqiidada, oo ay ka mid tahay in la ilaaliyo si kasta oo ay tahay,” ayuu yidhi Gubo, isagoo intaa raaciyey in dablaydu ay wacdinayeen muddo 30 daqiiqo ah, kadibna ay hadiyad ahaan ugu qaybiyeen miro Timir ah.

Sidoo kale Gubo Saalim waxa uu ka dhawaajiyey in dagaalyahannada Al-Shabaab ay sheegeen in ay u yimaadeen sidii ay u caawin lahaayeen walaalahooda muslimiinta ah oo ay ugu deeqaan timirta xilli ay ku guda jiraan bisha Ramadaan.

"Waxay ahaayeen kuwo aad u badan, ilaa 150 ama wax ka badan. Waxay noo sheegeen in aanaan la shaqayn dawladda oo ay cadaw ku yihiin, gaar ahaan laamaha ammaanka oo ay sheegeen inay laayaan walaalahooda Muslimiinta ah ee aan waxba galabsan,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday in magaciisa la qariyo.

Warbixin uu soo saaray Booliska Kenya ayaa lagu xaqiijiyay in ilaa 150 ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen Maangaay, abaaro 6-dii maqribnimo ee Sabtidii lasoo dhaafay, taas oo qiyaastii 80 KM Koonfur Galbeed kaga beegan xerada "BPU” oo ay deggen yihiin cutubyo ka tirsan ciidanka Kenya.

"Waxay isla markiiba baadhitaan ku sameeyeen xerada ciidanka ka hor inta aanay isku qaybin laba kooxood oo qayb ka mid ah ay ku hadhay xerada, halka qaybta kalena ay gudaha u gashay magaallada…” ayaa lagu yiri warbixinta uu Boolisku soo saaray.

Sidoo kale warbixintu waxay xustay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku raad-joogeen isla markaana ay raadinayeen Taliyeyaasha aagga iyo saraakiisha Kaydka Bilayska Qaranka ee deggaanka, iyagoo dadka deggaankana u jeediyey khudbado ka hor inta aanay u qaybin miraha Timirta.

Related Items

Update cookies preferences