Hawl-gallo kala duwan ayaa lagu soo warramayaa in xoogagga Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gobollada Baay, Shabeellaha hoose, Jubbada hoose iyo Lamu oo ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Shabeellaha hoose, waxaa ka dhacay weerar dhabbo-gal ah oo ka dhacay deggaanka Lafoole ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.
Weerarkan oo sida lagu soo warramayo lagu beegsaday maleeshiyaadka Gurguurte ayaa lagu dilay ugu yaraan 4 askari oo mid sarkaal yahay, 9 kalena waa lagu dhaawacay.
Guutada jugta culus ee Xarakada Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Jubbada hoose ayaa weerar madaafiic ah ku garaacday xerada maleeshiyaadka Jubbaland ee deggaanka Buulo Xaaji ee hoos-taga magaallada Kismaayo.
Duqayntan oo sida la sheegayo maleeshiyaadka Axmed Madoobe ku qasabtay in banaanka ay uga baxaan xerada, ayaa la kulmay weerar qorshaysan.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in weerarkaasi lagu dhaawacay ugu yaraan 4 askari oo uu ku jiro abaanduullihi xerada.
Gobolka Baay, waxaa ka dhacay qarax culus oo lagu beegsaday ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan deggaanka Aw Diinle ee duleedka Baydhabo.
Gobalka Laamuu ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya, waxaa ka dhacay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada askarta Kenya ee magaallada Maangaay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in la baacsaday ciidamada Kenya, kadibna dagaalyahannada Al-Shabaab ay gudaha u galeen magaallada una muxaadareeyeen dadka deggaanka.
Weerarrada lagu dhiig-bixinayo ciidamada shisheeye ee duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday dalka iyo maleeshiyaadka daba-dhilifka u ah ayaa si xawliya uga socda guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.