بسم الله الرحمن الرحيم
السٌلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Khamiis-15-Dulxijjah-1443-Hijri.
Taajkii Culimada.
Sheekh Nuur Waa Caalim Zaahid Ku Dayasho Mudan.
Allaah ha u naxariisto Sheekh Nuur Mucalim Cabdi raxmaan Cumar Axmed Afrax waxa uu ahaa sheekh caalim,mujaahid zaahid ahaa, Waxa uu sheekha ahaa ruux si aad ah ay u jeclaayeen dadka Muslimiinta oo ay ugu horeeyaan Mujaahidiinta Bariga Afrika, Waxa uu Sheekha ahaa wadaad aan laga daalin dhageysiga muxaadaraadkiisa iyo guud ahaan duruustiisa.
Allaah ha u naxariisto Sheekh Nuur Mucalim Cabdi raxmaan waxa uu geeriyooday maalintii Talaadada oo ay taariikhdu ku beegneed 13-dulxijjah-sanadka-1443-hijri oo aheed maalintii ugu dambeysay ee Ayaamu-tashriiqa, Waxa uuna ku geeriyooday magaalada Bu'aale ee WI Jubbooyinka.
Allaah ayaa ku mahadsan oo maalmihii u dambeeyay ee nolasha sheekha ka dhigay maalmaha aadka u fadliga badan ee ah tobanka maalmood ee ugu horeeya bisha dul xijjah iyo maalmaha xiga ee Shareecadu u bixisay Ayaamu Tashriiq.
Geerida ku timid Sheekhii Zaahidka Caalimka ahaa Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan waxaa khasaaro soo wajahday guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan Mujaahidiinta Bariga Afrika.
Maxaan Ka Garanaa Sheekh Nuur?.
Ugu horeyn markii iigu horeysay ee Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan magaciisa aan idaacad ka maqlo waxey aheed xilli uu ka qeyb galayay aaskii Allaah ha u naxariistee Sheekhii Mufasirka ahaa Sheekh Muxamed Macalim Xasan oo Muqdisho lagu aasay.
Aniga Sheekh Nuur waxaa garanayaa muddo 22 sano ku dhaw balse aniga iyo Sheekha waxaa is baranay oo aan wada xiriiri jirnay laga soo bilaabo 1432-dii Hijriga oo ah muddo 11 sano ah.
Sheekh Nuur waxa uu ahaa Sheekhii iigu horeeyay ee Soomaali ah oo aan arko oo khudbada Jimcaha dusha ka aqrinayo, Masjidka aan ku arkay waxa uu ahaa Masjidka dabaqa Ar-raxiim ee ku yaala xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.
Xusuusin Masjidka Ar-rraxiim oo la dhisay 20-sano ka hor maalin jimco ah waxaa khudbadii jimcaha ee xafladii furitaanka masjidka aqriyay Sheekh Nuur Mucalim Cabdi raxmaan, Tacliiqa khudbada ee salaada kadibna waxaa soo jeediyay Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Waxaa ka mid ahaa boqolaalkii ruux ee maalintaas masjidka kusoo dukatay Labada sheekhna hor fadhisay.
Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan waxii ka horreeyay duulaankii Xabashida Itoobiya ku qabsatay magaalada Muqdisho ee dabayaaqadii sanadkii 1427-di Hijri waxaa saldhigiisu ahaa duruustane uu ka aqrin jiray Masjidka Al-Hudaa ee ku yaala xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid.
Sidoo kale waxa uu duruus ku lahaa idaacadii Quraanka Kariimka oo xarunteedu ay aad ugu dhaweed masjidka Al-hudaa.
Sheekh Nuur Masjidka xarunta u ahaa waxa uu ku cazuumi jiray culimada kale si ay ugu faa'ideeyaan jameecada masjidka iyo guud ahaan bulshada xaafada Suuq Bacaad.
Qiyaas ahaan 18 sano muddo hadda laga jooga waxa uu Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan masjidka ku casuumay inuu muxaadaro ka jeediyo Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo xilligaas booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, Waxaan ka mid ahaa dadkii xaafadaha kale uga yimid muxaadaradaas oo masjidka soo xaadiray.
Sifaatka Aan Ku Aqaanay Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan.
Sheekh Nuur Allaah ha u naxariisto tobankii sano ee u dambeysay marna fadhi ayaan ku wada sheekeysan jirnay marna telfoon ayaa ka wada hadli jirnay, waqtiyo kala duwane munaasabado ayaa ku kulanay waxaa ku arkay sifaad wanaagsan oo cajiib ah.
1-Markaad u timaado ama teleefoon kala soo xiriirta waxa ugu horeeya ee uu kaala hadlayo waa maanta Qur'aan ma aqrisay,adkaaru sabaax ama adkaaru masaa ma aqrisay isagoo aanan Aakhiradaada kaala hadlin hadal kale kuuma furayo.
2-Ilaalinta Ballanta, Waligeey ma arag mana maqal isaga oo ballan uu galay hilmaamay ama waqtiga ballanta ka dib dhacay.
3-Mas'alo markaad weydiiso waxa uu ku dhahaa aniga Madhabka Imaamu Shaafici ayaa heystaa sidaas ayuuna arintaas ka qabaa balse Madaahibta kale wey ku qilaafeen mas'aladaan Imaamu Shaafici.
4-Intii sano ee aniga iyo isaga isku magaalo ku soonay Ramadaan Salaada Taraawiixda habeenka kowaad ee Ramadaan ilaa iyo Inta uu ka dhamaanayo isaga ayaa masjidka ka dujinayo mana ogoleen in laga nasiiyo ama lala qeybsado, Waxa uu arintaasna sabab uga dhigi jiray inuu Xifdiga Quraanka Kariimka ku ilaashanayo.
5-Dadka u imaanaya ama telka kasoo wacaya ee masaa'il weydiinayo ama salaan iyo xaal wareysi ugu imaanaya qaabilaadooda wey u sineed sheekh Nuur qofka weyn iyo qofka yar.
6-Hadii aad ugu timaado cilmi kororsi waa Culuumta Sharcigee Sheekhu aadbuu kuu soo dhaweynayaa, Muddadii aad rabtane waa la joogi kartaa mana kuugu xirayo wax shuruud ah oo aanan ka aheen inuusan hadiyad ama wax aduunyo ah kaa qaadaneynin.
7-Sheekhu waxa uu ahaa ruux bashaash ah oo waqti walbo faraxsan hadane jecel inuu qof walbo wax aakhiradiisa anfacayo u faa'ideeyo.
8-Sheekhu hadii sheekh kale goob ku wada kulmaan sida Masjid waxa uu dadka markaas goobta jooga ku boorin jiray in sheekhaas laga wada faa'ideysto, Isagane inta uu Sheekha kale muxaadarada ama kalimada ka dhameynayo ma bixi jirin.
9-Qof walbo oo Mujaahid ah oo Sheekha la kulmo waxa uu dhihi jiray Mujaahidka aan adkaarta carabkiisa barin ma saameyn badno balse Mujaahidka carabkiisa bara Adkaarta noocyadeeda kala duwan waa ruux dhameystiran oo xoog leh.
Mawaaqiftii Aan Ka Diiwaan Galiyay Sheekha 22-kii Sano Ee U Dambeysay.
1-Weerarkii taariikhda galay ee 2001-dii ee lagu burburiyay daarihii Mareykanka waxa uu Sheekhu ahaa mid kusoo qaata khudbadaha Jimcaha, sheegane in waajib tahay in arintaas lagu farxo.
2-Dibadbaxyo ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho sida Barxadii horseed ee degmada Hodan, Hoteel Towfiiq ee degmada Yaaqshiid iyo fagaaraha Tarbuunka ayuu sheekha ka sheegi jiray in waajib tahay in taageero loo muujiyo Mujaahidiinta iyo guud ahaan shucuubta Muslimka Afghanistan iyo Ciraaq ee Mareykanka uu xilligaas duulanka ku qaaday.
3-Istish-haadkii Sheekh Axmed Yaasiin hogaamiyihii hore ee ururka Xamaas oo ay diyaaradaha Yahuuda ku dileen 1-dii bishii Safar-1425-hijrii Magaalada Gaza ayuu sheekh nuur ka iclaamiyay idaacadii Quraanka Kariimka inuu sheekha Mujaahid ahaa oo uu Shihiid yahay xilli culimadii xilligaas Muqdisho joogtay qadiyaddaas ka aamuseen sababo ku aadan qafaalka culimada oo waqtigaas ka jirtay Muqdisho.
4-Dagaalkii muddo 17 sano ka hor ka dhex qarxay Maamulka Yahuuda iyo Xisbiga Shiiciga ah ee isku magacaabay Xizbullaah.
Culimadii Muqdisho joogtay xilligaas waxey dhaheen taageero looma muujin karo ururka Xizbullaah.
Banaanbax xilligaas ka dhacay Tarbuunka anigane aan joogay ayuu Sheekh Nuur ku cadeeyay in Yahuuda ay ka darantahay Xisbullaah sidaas darteedna Muslimiinta laga rabo iney taageeraan Xisbullaah si Yahuuda loo tirtiro, Markii Yahuuda la tirtirane dagaal lagu iclaamiyo Xisbullaah si isagane loo tirtiro.
5-Dhacdadii Isbitaalka Soos ee Muqdisho qiyaas ahaan sanadkii 1425-Hijri.
Mid ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalka Soos ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu haweeney jiiftay isbitaalka ma xasuusta nuuca uu yahay xanuunkii ay isbitaalka la jiiftay, Waxa uu dhaqtarka ka saaray ama gabi ahaan ka bixiyay xubintii ILmo galeenka isagoo aanan wargalinin wadaadka qabo haweeneyda iyo ehelkeeda oo aabaheed ugu horeeya.
Ehelkii gabadha markii arinta ogaadeen muran iyo dood adag ayaa ka dhashay, Dhaqtarkii waxa uu dhahay nafteeda ayaa badbaadinayay hadii uu xubinkaas kusii jiri lahaa wey dhiman laheed.
Ehelka ayaa dhaqtarka weydiiyay inuu tuso xubintii Ilmo galeenka ee gabadhooda uu ka saaray dhaqtarkiina waxa uu dhahay mar hore ayaa aasay.
Xilligaas waxaa Muqdisho ka jirtay cabsi ah iney magaalada soo galeen hey'ado shisheeye oo dhaqaatiirta lacag fara badan ku siinaya xubinta Ilmo galeenka iney ka saaraan haweenka caafimaadka ugu imaanaya kadibna ku wareejiyaan hey'adahaas.
Arintii dhaqtarka uu sameeyay meel adag ayey gaartay inta badan idaacadihii muqdisho iyo aqoonyahadii xilligaas waxey la safteen dhaqtarka oo waxey ku celcelinayeen in dhaqtarka uu dadaalay naf dhanne uu badbaadiyay.
Ugu dambeyn arinta waxaa ka hadlay Sheekh Nuur Mucalim Cabdi raxmaan waxa uuna cadeeyay in dhaqtarka maadaama uusan fasax ka qaadan gabadha wadaadkeeda iyo aabaheed in lagu leeyahay diyada gabadha maadaama uu gabadha ka saaray xubintii ilmo galeenka suura galne aysan aheen in ilmo dambe ay dhasho.
Fatwadii sheekha ayaa dhaqan gashay, dhaqtarkiina waxa uu ogaaladay in diyada uu bixiyo.
6-Qabuurihii Taliyaaniga ee Muqdisho laga faagay dabayaaqadii sanadkii 1425-tii Hijriga.
Mujaahidiintu markii qabuurihii gaaladii Taliyaaniga oo ku yaalay Hurwaa faageen kana saareen lafihii gaaladii taliyaaniga goobtane u badaleen Markazkii Salaaxu diin waxaa arintaas si weyn uga soo horjeestay una cambaareeyay maxkamadihii Islaamiga iyo culimadii iyaga taageersanaa, Waxeyna dhacdadaas hadal heyn badan ka abuurtay Muqdisho iyo guud ahaan caalamka.
Sheekh Nuur Mucalim Cabdi raxmaan oo muxaadaradii ugu horeysay ku qabtay goobtaha Lafaha taliyaaniga laga faagay ayaa sheegay in gaalada nolol iyo dhimasho midna aysan xurmo laheen.
Waxaa ka mid ahaa dadkii maalintaas goobta muxaadarada soo xaadiray.
7-Khiyaanadii Shariif Murtad.
Gudoomiyihii maxkamadihii Islaamiga Shariif Sheekh Axmed markii uu isku dhiibay dowlada Saliibiyadda Kenya, Khiyaano adagna uu ku sameeyay Mujaahidiinta waxaa magaalada lasoo galiyay in la qabtay Shariif Sheekh Axmed taasi oo walwal weyn abuurtay balse qabasho ma jirinee waa qorsha ay isku ogaayeen Shariif Murtad iyo gaalada.
Reer Muqdisho muran weyn ayaa ka dhex bilowday oo ku saleysnaa Shariif Sheekh Axmed waa Murtad iyo ma'ahan, Xitaa waxaa jiro dhowr reer oo sidaas ku dumay kadib markii ninka iyo xaaskiisa ku murmeen Shariif waa Murtad iyo ma'ahan.
Xaalka isaga oo meeshaas adag maraya waxaa hadlay Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan isaga oo cadeeyay inuu Murtad yahay Shariif Sheekh Axmed, Bulshadane wey wada fahantay inuu Riddoobay Shariif Sheekh Axmed.
8-Sheekha waxa uu dagaal adag kula jiray minbar walbane uu ka sheegi jiray hey'ad gaaleedka sheegata iney qaabilsantahay waxbarashada aduunka ee UNESCO iyo dalladaha waxbarasho ee iyada hoostaga, Sheekhu waxa uu ku celcelin jiray in UNESCO ay dagaal kula jirto Culuumta sharciga ayna rabto iney diintooda saliimka ah ka baadiyeyso jiilka Mustaqbalka.
Waxaa xaqiiqo ah in UNESCO dagaal kula jirta cilmiga saxda ah iyo waqtiga ardayda Muslimiinta, Waana hey'ad ay Yuhuuda leedahay.
Tusaale; Muqararka waxbarashada ee UNESCO waxa uu dhigayaa in ardayga laga bilaabo Fasalka Kowaad ilaa uu dugsi sare ka dhameeyo ay tahay muddo 12 sano ah.
Muqararkaas kama shaqeeyo dhulka ay Yahuuda xooga kaga qaadatay Muslimiinta Filistiin laga bilaabo magaalada ay ula baxday Talaabiib.
Dastuurka Yahuuda waxa uu dhigayaa in waqti lumis ay tahay in ardayda Yahuuda ay subax walbo waxbarasho iskuul u kalahaan wax ka badan Lix sano.
Aan is weydiino dhagar ceynkee ah ayaa ku jirta in Muqarar Yahuudii laheed ay diiday in Ardaydooda ku dhaqmaan in Muslimiintiina ay si toos ah u qaataan Muqararkaas oo ay leedahay UNESCO?.
Allaah ha u naxariisto Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan Labo arin oo cajiib ah ayaa ku arkay.
1-Dadka Muslimiinta Quluubtooda Allaah Subaxaanahuu Watacaalaa Qabuul ayuu u galiyay.
2-Qadiyad isaga uu ka hadlay sheekh ama qof kale oo daba hadli jiray ama Raddin jiray ma arkin.
Gaba Gabo
Sheekh Nuur Mucalim Cabdi raxmaan marna waalidkeyga marna Sheekheyga oo kitaabkii iigu horeeyay Xadiis ah oo aan aqrista isaga ayaa ka dhageystay.
Marna Saaxibo ayaa aheen xitaa markii ay booqdaan rag ka tirsan Idaacadaha Al-furqaan ama Andalus waxa uu ku dhihi jiray Maxamuud iigu salaama.
Geeridiisa 10-maalmood ka hor waxaa arkay isagoo safar ah walaal lagu magacaabo Cabdi Llaahi Yaasiin Jaamac Soomaali waxa uu igu dhahay sheekh Nuur ayaa soo arkay waxa uu i dhahay walaalkaas iigu salaan.
Allaah ha u naxariisto Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan hadii uu geeriyooday ma geeriyoon duruustii,cilmigii iyo kalimaatkii uu ka tagay.
Ma geeriyoon doorkii iyo abaalkii uu ku lahaa Jihaadka iyo Mujaahidiinta Bariga Afrika.
Waxaa jirta Kutubo Sheekha isaga uu alifay iyo risaalooyin uu qoray sida.
ضدان لايجتمعان-1
الكتاب رسالة حتي ترجعوا-2
رسالة العلم-3
iyo tiro kale waxaana laga maarmaan ah iney dhumin mirahaas qayimka ah ee Sheekha uu nooga tagay waa in kutubta iyo risaalooyinka Sheekha alifay faafinaa.
Ehelka Sheekha iyo xerta sheekha waxaa ugu baaqaa iney kutubta Sheekha iyo risaalooyinkiisa iyo guud ahaan duruusta uu duubay in maktabadaha wilaayaatka Islaamiga la gaarsiiyo si ay u helaan bulshada ku dhaqan Wilaayaatka Islaamiga.
Allaah ha u naxariisto Sheekhii Caalimka,Zaahidka Mujaahidka ahaa ee Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan Cumar Axmed Afrax.
Badal kheyr badan Allaah hana siiyo, Sheekha gadaashiisna Allaah nama fidneeyo.
W/Q:
Maxamuud Sheekh Axmed Tooshoow.
والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته