Wararka ka imaanaya magaalada Al Qaahira ee xarunta wadanka Masar ayaa sheegaya
in ugu yaraan 8 askari ay ku dhinteen weerar ay qaadeen xoogag mujaahidiin ah.
Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda
dabadhilifka Masar ayaa lagu sheegay in 8 askari oo katirsan ciidanka ammaanka
lagu dilay mandiqadda Xilwaan ee Koonfurta magaalada Al qaahira.
Warka kasoo baxay xukuumadda Masar waxaa lagu xaqiijiyay in mid kamida askarta ladilay uu ahaa sarkaal
sare oo ka qeyb qaadanayay howlgallada ka dhanka ah waxa loogu yeero
Argagaxisada.
Xoogaga ‘Dowladda Islaamiga ah’ ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii manta.
Warbaahinta maxalliga masar waxay sheegtay in dadka ladilay uu kamid yahay
madaxii dambi baarista mandiqadda Xilwaan ee Koonfurta alqaahira.
Xukuumadda dabadhilifka Masar waxay ku calaan cashay in xoogagii weerarka
gaystay ay si nabad gelya ah goobta uga baxsadeen iyagoo aan wax baacsi ah kala
kulmin ciidamada ammaanka.
Weerarkan dhiigga looga daadiyay ciidamada ashahaadda ladirirka Masar waxay
imaanayaan maalma kadib markii C/fataax alsiisi hoggaamiyaha inqilaabka ku
qabsaday Masar uu goodis adag u jeediyay xoogaga jihaadiga ah ee nidaamkiisa la
dagaalamaya iyo taageerayaasha Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo uu ku sifeeyay
Argagaxiso.
Wariyaal ku sugan masar ayaa soo sheegaya in kumanaan askari lagu daad gureeyay
Koonfurta magaalada alqaahira oo ah halka weerarku ka dhacay waxayna wadaan
howlgallo raaf ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah.
Waa guul darro iyo fashil kale oo usoo galay saraakiisha ammaanka Masar kuwaasi
oo dhowr mar sheegay in ay ka hortagayaan weerarada ka dhaca magaalada
caasimadda ah.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in taxaddiga dhanka amniga ah ee ku horgudban
nidaamka dabadhilifka C.fataax alsiisi uu ka weynyahay midka dhanka siyaasadda
iyo dhaqaalaha ka heysta.
Magaalada caasimadda ah ee alqaahira ayaa safka hore uga jiro meelaha ay
howlgallada jihaadiga ah ka socdaan.
8 Askari Masaari ah oo Lagu Dilay Magaalada Al-Qaahira iyo IS Mas'uuliyadda Sheegatay.

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weerar hubeysan oo markale ka dhacay gudaha wadanka Masar xilli xukuumadda uu hoggaamiyo C/Fataax alsiisi ay wajahayso caqabado dhanka ammaanka ah.