FAAH-FAAHIN: 48 askari oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalladii maanta ee duleedka Moqokori.

Saturday July 05, 2025 - 18:14:28
Liibaan Jeexoow
Waxaa mar kale faahfaahin dheeriya aya kasoo baxaysaa khasaaraha dagaalladii maanta ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee bariga gobolka Hiiraan.
Dagaalladan oo sidii aanu horeyba idiinku sheegnay tiraba 4 jeer lagu jebiyey maleeshiyaadka Gurguurte ayaa khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ah ee gaarayna uu aad u batay.

Xogihii u dambeeyey ayaa xaqiijiyey in dagaalladaasi dhagta dhiigga loogu daray ugu yaraan 18 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, kuwaas oo 12 ka mid ah maydadkooda looga cararay goobta dagaalka.

Sidoo kale xogtu waxay sheegaysaa in maleeshiyaadka Gurguurte ee lagu dhaawacay dagaalladaasi ay gaarayaan ugu yaraan 30 askari.

Qaar ka mida magacyada maleeshiyaadkii lagu laayay dagaalkan ayaa waxaa ka mida Muumin Nuurshe Maxamed Cabdulle, Aadan Ibraahim Fidhig (Il-bir), Xasan Abiikar Aadan, Cabdullaahi Muumin Dhaladheere, Axmed Muumin Cilmi Iidow, Cabdi Xuseen Axmed, Shariif Cali Yuusuf Barow iyo saraal magaciisa lagu soo gaabshey Xasan Taakaay.

Sidoo kale qaar ka mida maleeshiyaadkii lagu dhaawacay dagaalladan oo aanu helnay ayaa waxaa ka mida sarkaal lagu magacaabo Daahir Xuseen Maalin oo dhaawaciisu garaab yahay iyo Shiikhdoon Maxamed Xundubeey.

Goobihii lagu dagaallamay waxaa si buuxda gacanta ugu haya jihaadiyiinta Al-Shabaab, halka maleeshiyaadka Gurguurte ay u firxadeen dhinaca gudaha degmada Moqokori.


Related Items

Update cookies preferences