Sucuudiga oo samaynaya goobo gaar ah oo Khamrada lagu cabbo.

Sunday May 25, 2025 - 08:16:44
Liibaan Jeexoow
Dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa shaaciyey in ay samayn doonaan goobo Khamrada lagu iibiyo laguna cabbo oo gaaraya ilaa dhowr boqol oo goobood waddanka oo dhan 2026-ka sida uu daabacay Wargeyska Wine Intelligence oo ka faallooda arrimaha sharaabka maandooriyaha ah.
Waxa aanu intaa ku daray in 600 oo meelood laga diwaangelin doono dalka dhammaantiis, tan waxa lagu sheegay qorshe ay boqortooyadu ku ballaarinayso ama ku dardargelinayso qaybta dalxiiska.

Dhanka kale dalkan Sucuudiga oo hore loo oran jirey Xijaas oo ay ku yaallaan goobaha barakeysan ayaa lagu qabanayaa ‘Koobka Adduunka’ ee 2034 waxaana la rejaynayaa in gaalada adduunku isugu timaaddo.

Goobahan oggolaanshaha loo siiyey iibinta khamrada waxa ay sheegeen in la xaddidi doono. Sannadkii hore ayaa Xukuumadda Sucuudigu sheegtay in goobaha diblomaasiyiintu ka shaqeeyaan loo samayn doono goobo gaar ah oo khamriga lagu isticmaalo.

Waxa xusid mudan in Ilaahay iyo Rasuulkiisuba mamnuuceen ka ganacsiga iyo cabbidda khamriga, kaas oo dhibaato ku ah caafimaadka maalka iyo sharafka qofkaba.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:





Related Items

Update cookies preferences