Wararka ka imanaya gobolka Bari ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya rag hubaysan oo saaka weerar ku qaadday saldhigga dhexe ee magaallada Boosaaso.
Dablaydan weerarka qaadday ayaa la sheegay inay ka caroodeen hub xalay laga qabtay, kadib howl-gal ay maleeshiyaadka Puntland ka sameeyeen gudaha magaaladaasi.
Iska hor-imaad xooggan oo halkaas ka dhacay ayaa sababay dhimashada hal nin oo ka mid ahaa dableyda weerarka qaadday, sida ay tibaaxayaan ilo-wareedyo aanu helnay.
Maleeshiyaadka Puntland oo gurmad xooggan helay ayaa lagu soo warramayaa inay dib u riixeen dablaydii soo weerartay.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli madaxa maamulkaasi Saciid Cabdillaahi Deni uu ku sugan yahay isla magaallada Boosaaso.
Dhawaan ayay ahayd markii Garowe uu sidoo kale ka dhacay iska horimaad geystay dhimashada saddex askari iyo dhaawaca tiro intaas ka badan oo uu ku jiro taliyihii madaarka Garowe.
Dagaalkan ayaa dhacay kadib markii maleeshiyaadka amnigu ay weerareen maleeshiyaadka kale ee PSF oo lagu eedeeyay inay wateen gaari Bas ah oo laga dhacay Puntland.
Isla magaallada Garoowe waxaa saaka ka dhacay dil badheedh ah oo askari ka tirsan maleeshiyaadka Puntland uu u geystay wiil dhalinyaro ah.
Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Mustafa Manuur kana soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa da’diisa lagu sheegay 18 sano jir, waxaanu ka shaqayn jiray dhaqista gaadiidka.
Askari ilaalo ka ahaa hoteelka Taleex ee magaallada Garoowe ayaa lagu warramayaa in si badheedh ah uu wiilkan yar u toogtay.
Waa dilkii labaad ee magaalladaasi ka dhaca usbuuc gudihiis, iyadoo dhawr habeen ka hor ay ahayd markii wiil yar uu sidan oo kale u dilay askari ka tirsan maleeshiyaadka Puntland.
Kusoo biira Channelka SOMALIMEMO BREAKINGG si aad u heshaan wararka iyo warbixinnada degdegga ah. https://t.me/+11KcnfGSyV1kMjNk