DEG-DEG: Al-Shabaab oo saaka weerarro cag-marin ah kula jarmaaday maleeshiyaadka Gurguurte + SAWIR

Thursday March 20, 2025 - 07:26:39
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya dalka Soomaaliya ayaa sheegaya weerarro culus oo xoogagga Al-Shabaab ay saaka kula jarmaadeen xeryo ay deggenaayeen maleeshiyaadka Gurguurte.
Dagaalyahannada Al-Shabaab waxay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-heynta labada xero ee maleeshiyaadka Gurguurte kaga sugnaayeen deggaanka Sabiid ee duleedka degmada Afgooye.

Sabiid oo ah deggaan Istaraatiiji ah waxay qiyaastii 40 KM koonfur-galbeed kaga beegan tahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Goobahan ayaa kala ah xerada Buundada deggaanka iyo midda kale oo ku taalla bannaanka deggaanka Sabiid. Waxaana dhammaantood laga taagay raayada tawxiidka.

Waxaa jira khasaare baaxad leh oo soo gaaray maleeshiyaadka Gurguurte, waxaana lagu soo warramayaa inay bilqanyihiin goobihii lagu dagaallamay.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya qarax culus oo xoogagga Al-Shabaab la beegsadeen Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka DF Somaliya oo gurmad ahaan uga soo baxay deggaanka Aala-Yaasir kuna sii jeeday Sabiid.

Saraakiisha ku naf-waayey qaraxaasi waxaa ka mida taliye Jareere oo ahaa abaanduulihii ururka Awdheegle ee guutada 14-ka October. Sawirkiisuna waaka hoos ka muuqdo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gaarigii iyo askartii la socotayba ay dhammaantood basbeelleen.

La soco wixii soo kordha insha Allaah …………..

Kusoo biir channel-ka cusub ee SOMALIMEMO:

Related Items

Update cookies preferences