Wasiirka Arrimaha Dibedda Jasiiradda Kuubba Buruuno Rodriiges ayaa maalintii shaley ahayd ka dagey Madaarka Bole ee Addis Ababa kaas oo ay ku soo dhaweeyeen xubno ka tirsan Dowladda Xabashida Itoobiya iyo diblomaasiyiin kale.
Madaxda labadan dal ayaa xusay xiriirkoodii 1977 kaas oo jirsadey muddo ku dhow 50sano, waxaanay dhanka kale sheegeen in ay xoojinayaan xiriirkaa taariikheed.
Wararka ayaa sheegaya in Bruno Rodríguez oo safarkiisu qaadan doono laba cisho in la soo tusay madxafyada taariikhda ee Itoobiya.
Dagaalkii 1977 ee Soomaalida iyo Xabashida oo laga joogo muddo ku siman 48sano ayaa waxa la sheegaa in ay Kuubbaanka kaga dhintey 163 askari halka 250 kalena kaga dhaawacmeen inta la og yahay.
Dagaalkaas ayaa markii hore Itoobiya lagu gaarsiiyey qasaare aad u badan isla markaana waxa laga diley kumannaan askar ah halka laga qabtey tiro kale.
Itoobiya ayaa gurmad ka heshay Midowgii Soofiyeet, Cuba iyo Yementa Koonfureed taas oo sababtey in Soomaaliya lagu jabiyo dagaalka.