SAWIRRO: Khasaaraha weerarkii Wargaadhi oo kordhay, dhimashada & dhaawaca oo gaaray 80 askari.

Thursday April 24, 2025 - 15:51:35
Liibaan Jeexoow
Waxaa sii kordhay khasaaraha laxaadka leh ee maleeshiyaadka Gurguurte lagu gaarsiiyey dagaalkii saaka ka dhacay deggaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha hoose.
Xog cusub oo aanu helnay ayaa sheegaysa in ugu yaraan 60 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte dhegta dhiigga loo daray, halka dhaawacuna uu gaarayo 20 askari.

Dhimashada ugu badan ayaa ka dhacday saldhiggii calooshood-u-shaqaystayaasha Danab ay ka deggenaayeen deggaankaasi.

Maxaabiis dagaal iyo weliba saanad millateri oo aad u fara badan ayay jihaadiyiinta Al-Shabaab gacanta ku dhigeen.

Firxadka haraadigii maleeshiyaadka ayaa orod ku galay degmada Cadale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Baraha bulshada waxaa si weyn loo wareejinayaa qaar ka mida magacyada askartii iyo saraakiishii lagu laayay dagaalkan.

Sarkaal magaciisa lagu sheegay Maxamad Makaraan ayaa ka mid noqday saraakiishii maleeshiyaadka ee saaka lagu dilay dagaalkaasi.

Sidoo kale Cabdulle Bool oo isna ka tirsanaa saraakiishii uu xabbadda iskaga dhigayay Gurguurte ayaa ku tagay dagaalkaasi.

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in maleeshiyaadka dhintay uu ku jiray Xasan Axmed Cosoble oo ka mid ahaa hor-joogayaasha macawisleyda ee Gurguurte uu ku guuray.

Cabdullaahi Baroonshe oo ka mid ahaa hor-joogayaashii Gurguurte u qaabilsanaa macawisleyda ayay wararku sheegayaan in isna lagu khaarajiyey dagaalkaasi.

Qaar ka mida sawirrada maleeshiyaadkaasi la wareejinayo baraha bulshada ayaa waxaa ka mida kuwan aanu hoos idinkula wadaagnay, iyo weliba qaar ka mida kuwii ay baahisay Al-Kataa'ib.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: https://t.me/+_wxEbF1J9vAzNTFk

Related Items

Update cookies preferences