Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya dagaal culus oo xalay lagu miray xerada ciidanka Uganda ee duleedka Ambareeso ee degmada Baraawe.
Xerada la weeraray ayaa ku taalla dhinaca wadada aadda deggaanka Buur colow oo hoos-taga degmada Baraawe.
Habeen hore ayay ahayd markii sidan oo kale weerar culus loogu ekeeyey ciidamada Afrikaanta ee ku sugan deggaanka Ambareeso ee degmada Baraawe.
Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa jiif iyo joogba u diiday haraadiga ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaanta ee ku dhex go’doonsan dhufaysyadooda.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
TELEGRAM
FACEBOOK