SAWIRRO: Weerarro cag-marin ah oo saaka ka dhacay deggaanno ka tirsan gobollada Sh. dhexe iyo Sh. hoose.

Saturday March 15, 2025 - 07:59:58
Liibaan Jeexoow
Weerarro xooggan oo cag-marin ah ayaa saaka laga soo sheegayaa deggaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose.
Sida aanu wararka ku helayno dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo aad u caabboon ayaa saaka weerarro culus oo xasmin ah kala dul-dhacay maleeshiyaadka Guruguurte.

Weerar cag-marin ah ayay dagaalyahannada Al-Shabaab ku beegsadeen maleeshiyaadka Gurguurte ee ku sugnaa degmada Aw-Dheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka horu-dhaca ah ee aanu helnay ayaa tibaaxaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay goor dhawayd si buuxda ula wareegeen degmada Awdheegle.

Gebi ahaanba magaallada, buundada iyo saldhigyadii maleeshiyaadka Gurguurte waxaa haatan gacanta ku haya xoogagga Al-Shabaab. Magaalladuna haatan waa mid deggen.

Maleeshiyaadka Gurguurte ayaa la sheegayaa in halkaasi lagu gaarsiiyey khasaare baaxad leh, waxaana goobihii lagu dagaallamay ay kaga carareen maydad fara badan.

Geesta kale iyo Shabeellaha dhexe waxaa ka dhacay weearar culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku beegsadeen deggaanka Sumadaale ee duleedka degmada Cadale, halkaas oo ay isku abaabulayeen maleeshiyaadka Gurguurte.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu jiro khasaare xooggan oo la gaarsiiyey maleeshiyaadka Gurguurte, wixii faahfaahin ah ee soo kordhana gadaal ka fisha Insha Allaah.

Waxa kale oo jira agagax fara badan oo lasoo darsay maleeshiyaad ku sugan Muqdisho iyo hareeraheeda, kadib markii la arkay dhaqdhaqaaqyo Al-Shabaab ah oo goobahaasi soo kulaalay.

Goobaha qoob-gariirka maleeshiyaadka aadka looga dareemay waxaa ka mida Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Xaawo Cabdi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saaka la arkay dagaalyahannada Al-Shabaab oo ku roondaynaya waddada dheer ee u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye. Iyadoo ilo deggaanka ah ay sheegayaan in maleeshiyaadkii Gurguurte ay kala firxadeen.

Garabka warbaahinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa goor dhaw baahiyey sawirro horu-dhac ah oo muujinaya weerarkii saaka ay Jihaadiyiintu kula wareegeen Aw-dheegle.

La Soco wixii kusoo kordha Insah Allaah…..

Wixii sawirro ee dheeraad ah kala soco Telgramka: https://t.me/+lHmIJJh9RKU3Nzhk

Related Items

Update cookies preferences