Maxaa kasoo kordhay hawl-galka weli ka socda gudaha dhismaha Baladweyne ee xarunta DF Somaliya?

Tuesday March 11, 2025 - 13:52:17
Liibaan Jeexoow
Saacaddii todobaad ayuu galay hawl-galka culus ee xoogagga Al-Shabaab ay ka wadaan gudaha xarun ay dawladdu ku lahayd xaafadda Hawl-wadaag ee magaallada Baladweyne.
Jihaadiyiinta ayaa la sheegayaa inay gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas fara badan, taas oo sii xoojisay hawl-gal ka socda gadaha dhismaha.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in weli dad go’doonsani ay ku jiraan gudaha dhismaha, kuwaas oo qaarkood lasoo xiriiray warbaahinta maxalliga ah, isla markaana dalbaday in gurmad loo fidiyo.

Waxaa jira isku-dayo dhowr ah oo ay sameeyeen maleeshiyaadka DF, balse waa ay fashilmeen kadib markii iska caabbin xooggan ay kala kulmeen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Maydadka maleeshiyaadka oo aad u fara badan ayaa la sheegayaa inay daadsan yihiin gudaha iyo bannaanka hore ee dhismaha uu hawl-galku ka socdo.

Saraakiil dhawr ah iyo weliba odayaal hor-boodayay qorsheyaal ka dhan ahaa Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in lagu dilay weerarkaasi, kuwaas oo qaar ka mida sawirradoodu ay dusha sare idiinka muuqdaan.

La Soco wixii kusoo kordha insha ALLAAH…….

Related Items

Update cookies preferences