Maleeshiyaadkii Gurguurte ee ku sugnaa Boos-hareeri oo cagta la mariyey + SAWIRRO

Saturday March 08, 2025 - 07:26:30
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in shalay gelinkii hore cagta la mariyey maleeshiyaadkii Gurguurte ee ku sugnaa duleedka deggaanka Boos-hareeri ee hoos-tagta degmada Aadan Yabaal.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in ugu yaraan 24 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka DF Somaliya lagu dilay dagaalladaasi, kuwaasi oo ay ku jiraan 2 sarkaal oo lagu kala magacaabo Gaashaanle Abuukar Cabdulle Raage Garmaqaate iyo Adeerow.

Sidoo kale waxaa jira maleeshiyaad gaaraya ugu yaraan 8 askari oo lagu dhaawacay weerarkaasi. Waxaanay jihaadiyiintu si buuxda gacanta ugu dhigeen deggaankaasi iyo weliba tiro maxaabiis ah.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay dagaalladaasi kula wareegeen laba gaari oo mid ka mid ah noociisu yahay Suug uu leeyahay Saneey Cabdulle, halka gaariga kalena uu yahay Hardtop.

Qaabkii ay xoogagga Al-Shabaab kual wareegeen dagaalladaasi ayaad kaga bogon kartaan sawirrada hoos idiinka muuqda, oo uu ku jiro sawirka Gaashaanle Garmaqaate oo aanu soo helnay. Wixii sawirro ee dheeraad ah-na kasii raaco linkigan: https://t.me/+g0jPhdMgpC81ZDQ0

Related Items

Update cookies preferences