Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Jabhadda Fano iyo ciidanka dawladda Xabashida Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay magaallada Debre Tabor ee koonfurta Gonder ee ismaamulka Axmaarada ee dalka Itoobiya.
Ilo deggaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus oo saacado badan ka socday magaallada iyo nawaaxigeeda.
Maleeshiyaadka Fano ayaa weerarka qaaday kadib markii ay ka war-heleen dhaqdhaqaayo ay bilaabeen qaybo ka mida ciidanka dawladda oo magaallada uga baxay dhinaca Cebnaat.
Jihooyin kala duwan oo magaallada ah ayay maleeshiyaadka Fano weerarka kasoo qaadeen. Waxaanay sheegteen in uu jiro khasaare xooggan oo ay gaarsiiyeen ciidanka dawladda.
Dhinaca maamulka Abiy Axmed, sidii caadada u ahayd kama aanay hadal dagaalladan, mana jiraan oo xaqiijiyey khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac.