Goodax Barre: Maleeshiyaadka Hiiraan waa derbiga Itoobiya, waxaanan ugu baaqayaa Tashi inta aanay dabar-gu'in.

Friday June 06, 2025 - 10:06:23
Liibaan Jeexoow
Wasiirkii hore ee Waxbarashada kooxda Villa Somaliya C/Laahi Goodax Barre ayaa walaac xooggan ka muujiyey masiirka maleeshiyaadka Hiiraan ee xaabada uu ka dhigtay Xasan Gurguurte.
Waxa uu sheegay in maleeshiyaadkaasi ay halis ugu jiraan in gebi ahaanba lasoo afjaro, maadaama jihaadiyiinta Al-Shabaab oo aad u caabboonni ay soo galeen aaggaasi.

Goodax Barre waxa uu ka dhawaajiyey in maleeshiyaadka Hiiraan lagu kaliyeeyey dagaalka, oo garabkooda ay ka baxeen kooxdii dabka gelisay ee Villa Somaliya.

Jihaadiyiinta Al-Shabaab in aan laga guulaysan karin ayuu Goodax Barre ka dhawaajiyey, isagoo tilmaamay in ay la wareegi doonaan deggaannada ay dagaalladu ka socdaan ee gobolka Hiiraan.

"Xaqiiqda taalla een indhaha laga qabsan karin waxa weeyi, Shabaab maanta markay Moqokori ka dagaal gelayaan, gurmadkoodu wuxuu ka imanayaa Soomaaliya oo dhan, xattaa dibadda, hadday tahay saanad iyo ciidanba, sidaas darteed lagama adkaan karo” ayuu yiri Goodax Barre.

Goodax waxa uu carabaabay in dagaalkani u muuqdo mid xididdada loogu siibayo maleeshiyaadka Hiiraan, maadaama ayuu yiri haldoorkii maleeshiyaadkaasi ay ku dhammaadeen dagaalladan isla markaana ay maalin dhawayd uun ahayd markii dhegta dhiigga loo daray ayuu yiri sarkaalkii ugu garaaddo sarreeyey oo ahaa taliye guuto.

Maleeshiyaadka gobolka Hiiraan ayuu Qoodax Barre ka dhawaajiyey in aanay u dagaallamin oo kaliya kooxda Villa Somaliya, balse ay sidoo kale ay darbi u yihiin isla markaana ay difaacaan danahadowladda Itoobiya.

Waxa uu Goodax Barre saadaaliyey in maleeshiyaadka Gurguurte ee ku hoobtay gobolka Hiiraan ay haatan qarka u saaran yihiin inay isku dhiibaan jihaadiyiinta Al-Shabaab.

Waxa uu xusay Goodax Barre in Shabaab la-dirirku aanu ahayn Aayad Quraan ah, isagoo kula taliyey maleeshiyaadka Hiiraan in xaqiiqada ay waajahaan xaqiiqada oo wada-tashi ay isugu laabtaan, kana fikiraan dantooda intay goori goor tahay ee aanay dabar-gu’in.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences