Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo shalay ka dhacay deegaan hoos yimaad degmada Bardaale ee gobolka Bay.
Wararka ka imaanaya Bay ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga Bay iyo Bakool ay shalay gelinkii dambe weerar qorshaysan ku qaadeen tuulada Toosweyne oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad Xabashida Itoobiya taabacsan.
Dagaalka oo saacado qaatay ayaa sababay khasaara xooggan oo gaaray maleeshiyaadka amxaara Kalkaalka ah iyadoona hub iyo gaadiid dagaal looga furtay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari Cabdi bile ah oo uu ku xiranyahay qoriga dhashiikaha ay qabsadeen ciidamada wilaayada islaamiga Bay iyo Bakool.
Ku dhawaad 15 maleeshiyaad ah ayaa lagu dilay dagalka iyadoona hub farabadan oo ubadan qoryaha AK47 ay ka carareen,wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in tuulada Hoosweyne ay gacanta ciidanka muslimiinta soo gashay halka maleeshiyaadkii Itoobiya taabacsanaa ay ubaxsadeen dhanka Bardaale.
Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidamada Al Shabaab oo ku saabsan dagaalkii shalay oo larumeysanyahay in uu ahaa malxamad.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]