Sida lagu sheegay tira koob ay sameysay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganeysa Mas’uuliyiiin ka tiran Dowladda Haiti, inkabadan 800 oo ruux oo ku nool dalkaas oo ka mid ah Waddamada ugu saboolsan Qaaradda Latin Amerika ayaa ku dhintay duufaanta, iyadoo jiraan deegaanno fog fog oo ay weli adag tahay in la gaaro, si loo ogaado khasaaraha ay duufaantu u geysatay.
Waxa loogu yeero Xafiiska Qaramada Midoobey ee qaabilsan gar-gaarka bini’aadanimada ayaa sheegay in duufaantu ay %80 baabi;isay dallaggii beeraha ee ka bixi jiray deegaanada qaarkood, iyadoona inkabadan 350 kun oo ruux ay hadda u baahan yihiin gar gaar deg deg ah.
Duufaanta Matthew ayaa gelinkii dambe ee maalintii Talaadada ku dhufatay galbeedka Wadanka Haiti, iyadoo saacaddii jareysay qiyaas dhan 233 Km, waxaana duufaanta bar bar socday, dabeylo io roobab xooggan oo Mahiigan ah, kuwaas oo sidoo kale sababay in Boqollaal kun oo ruux ay ka barakacaan guryahooda.
Duufaantu waxay sidoo kale ku dhuafatay qaar ka tirsan gobollada kuyaalla Xeebta bari ee Wadanka Mareykanka, waxaana Maamulayaasha dalkaasi ay daad gureeyeen tobonaan kun oo qofood oo ku noolaa gobollada Flodria, California, Georgia, iyo South Carlonia.
Gudoomiyaha Gobolka Florida Rick Scott ayaa sheegay in duufaantu ay sababtay inay korontadii ka go;do inkabadan Lix boqol oo kun oo guri oo kuyaalla gobolkaasi, wuxuuna saadaaliyay inay dhici karto in xaaladdu ay kasii darto, xilli ay duufaantu ku socoto Waqooyiga gobolka Florida, waxaana laga cabsi qabaa inay soo rogmadaan daadad waaweyn.
Tan iyo 29-kii bishii September ee lasoo dhaafay, duufaanta Matthew ayaa cagta soo marisay Waddamo kuyaalla Koonfurta illaa Waqooyiga Mandiqadda Kaareebiyaanka ee Qaaradda Latin Amrika, waxayna saameyn ballaaran ay ku yeelatay Waddamo ay ka mid yihiin Clombia, Jamaica, Jaziiradda Dominican, Cuba, iyo dalal kale oo dhowr ah.
