8 Askari Masaari ah oo Lagu Dilay Magaalada Al-Qaahira iyo IS Mas'uuliyadda Sheegatay.

Sunday May 08, 2016 - 15:45:03
Super Admin
Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weerar hubeysan oo markale ka dhacay gudaha wadanka Masar xilli xukuumadda uu hoggaamiyo C/Fataax alsiisi ay wajahayso caqabado dhanka ammaanka ah.




Wararka ka imaanaya magaalada Al Qaahira ee xarunta wadanka Masar ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 askari ay ku dhinteen weerar ay qaadeen xoogag mujaahidiin ah.

Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda dabadhilifka Masar ayaa lagu sheegay in 8 askari oo katirsan ciidanka ammaanka lagu dilay mandiqadda Xilwaan ee Koonfurta magaalada Al qaahira.

Warka kasoo baxay xukuumadda Masar waxaa lagu xaqiijiyay in mid kamida askarta ladilay uu ahaa sarkaal sare oo ka qeyb qaadanayay howlgallada ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagaxisada.
Xoogaga ‘Dowladda Islaamiga ah’ ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii manta.

Warbaahinta maxalliga masar waxay sheegtay in dadka ladilay uu kamid yahay madaxii dambi baarista mandiqadda Xilwaan ee Koonfurta alqaahira.

Xukuumadda dabadhilifka Masar waxay ku calaan cashay in xoogagii weerarka gaystay ay si nabad gelya ah goobta uga baxsadeen iyagoo aan wax baacsi ah kala kulmin ciidamada ammaanka.

Weerarkan dhiigga looga daadiyay ciidamada ashahaadda ladirirka Masar waxay imaanayaan maalma kadib markii C/fataax alsiisi hoggaamiyaha inqilaabka ku qabsaday Masar uu goodis adag u jeediyay xoogaga jihaadiga ah ee nidaamkiisa la dagaalamaya iyo taageerayaasha Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo uu ku sifeeyay Argagaxiso.

Wariyaal ku sugan masar ayaa soo sheegaya in kumanaan askari lagu daad gureeyay Koonfurta magaalada alqaahira oo ah halka weerarku ka dhacay waxayna wadaan howlgallo raaf ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah.

Waa guul darro iyo fashil kale oo usoo galay saraakiisha ammaanka Masar kuwaasi oo dhowr mar sheegay in ay ka hortagayaan weerarada ka dhaca magaalada caasimadda ah.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in taxaddiga dhanka amniga ah ee ku horgudban nidaamka dabadhilifka C.fataax alsiisi uu ka weynyahay midka dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ka heysta.

Magaalada caasimadda ah ee alqaahira ayaa safka hore uga jiro meelaha ay howlgallada jihaadiga ah ka socdaan.

Related Items

Update cookies preferences