Markale dowladda Federaalka waxaa usoo galay Fadeexad weyn kadib markii ay sheegteen in ciidamadooda Kumaandooska ay dileen sarkaal sare oo katirsanaa xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Sida aan wada ognahay dowladda Federaalka waa dowladda ugu liidata caalamka ciidan ahaan sida lagu sheegay warbixin uu dhawaan soo saaray Markaz caalami ah oo arrimaha melleteriga ka faallooda.
Saqdii dhexe ee habeenkii Jimcaha 1,4,2016 ayuu Xasan Gurguurte Idaacadda ku hadasha afka xukuumadda ka sheegay in howgal ballaaran oo soomaalidu ku faraxdo ay ciidamadoodu ka wadaan Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya!.
Gurguurte wuxuu ku hadaaqay in wax uu ugu yeeray ‘Ciidanka Qaranka’ ay baacsi ku hayaan Argagaxisada Al Shabaab!.
Taageerayaasha Dowlada Federaalka ayaa dhegta u raariciyay warka madaxweyne Xasan waxay subaxii Jimcaha sugayeen war cusub oo ku saabsan magaalo ama deegaan laga saaray gacanta xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Warka Gurguurte kaliya ma ahayn bishaaro meel qabasha ah ee wuxuu xambaarsanaa arrin ugub ah oo aheyd ‘ciidanka Kumaandooska ayaa howlgal habeenimo ku haya alshabaab’.
Dadka soomaalida uba baran in ciidanka Dowladda Federaalka ee maleeshiyaadka ah ay kaligood duullaan ku qaadaan magaalo Al Shabaab maamusho oo waxay kaxaystaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM.
Bishaaradii Xasan Gurguurte sheegay waxay kusoo gaba gaboowday fadeexad iyo been, shalay gelinkii dambe ayuu taliska melleteriga DF-ka ku dhawaaqay in howlgal duullaan aad loosoo qorsheeyay oo ciidankoodu ka fuliyeen Tooratoorow ay ku dileen Xasan Dhoore oo kamid ah saraakiisha Xarakada Al Shabaab!!.
Warbaahinta ayaa billaaway in ay faafiso warkan ku aaddan in maleeshiyaadka DF-ka ay howlgal lala yaabay ku dileen mas’uul shabaabul Mujaahidiin katirsan.
Soomaalidu waxay tiraahdaa ‘Doqoni dabir kama daasho’, saacado kadib waxaa war rasmi ah soo saartay dowladda Mareykanka waxayna sheegtay in duqeyn diyaaradaheeda Drone-ka aan duuliyaha laheyn ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen Xasan Cali Dhoore oo ay siiyeen mansabka ah madaxa sirdoonka Al Shabaab ee gobolka Banaadir.
Mareykanku waxay si gaar ah u sheegeen in Dhoorre ay ku dileen wadada xiriirisa Kabsuuma iyo Jilib, halka kooxda Maleeshiyaadka DF-ka ay sheegeen in ciidankooda Kummaandooska ah ay Dhoorre ku dileen Tooratooroow oo Boqolaal KM ujirta Kabsuuma.
Ma ahan markii ugu horraysay oo dowlada Federaalka ay ku hor kufto soomaalida iyo caalamka, waa koox caan ku ah dabadhilifnimo,been Laaluush iyo musuq maasuq waa koox dalka kusoo hoggaamisay ciidamo shisheeye waa koox dowlad sheeganaysa islamarkaana u dhaqmaysa sida Yahuudda dhanka beenta balse dhanka maamulka ayay Yahuudda ka liidataa.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]