Xoogag hubeysan ayaa markale magaalada muqdisho ka geystay dilal kala duwan oo lagu khaarijiyay ciidamo dowladda Federaalka katirsan.
Degmada Wadajir waxaa lagu dilay hal askari oo melleteriga katirsan mid kalane dhaawac ayaa soo gaaray,weerar kale oo ka dhacay isgoyska Towfiiq degmada Yaaqshiid lagu dilay mid kamida saraakiisha ammaanka dowladda Federaalka,goob jooge ku sugan degmada Yaaqshiid ayaa SomaliMeMo u sheegay in sarkaalka ladilay uu watay gaari nuuca raaada ah.
'Rag hubeysan ayaa xaafadda towfiiq ee degmada Yaaqshiid ku dilay sarkaal dowladda katirsan,dilku wuxuu dhacay daqiiqado kadib markii uu ka degay gaari uu watay uuna isku dayayay in uu galo guri aabihiis leeyahay"ayuu yiri goob jooge.
dhinaca kale biya degeenka Suuqa xoolaha ayay xoogag hubeysan ku toogteen mid kamida ciidamada booliska dowladda Federaalka iyagoona ka qaatay qori AK47 ah oo uu watay sidoo kale xalay fiidkii ayaa xaafadda Siisii ee degmada Yaaqshiid lagu dilay mid kamida ciidanka DF-ka.
Mahad Yare
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]