Gurguurte oo amray in hub-ka-dhigis lagu sameeyo Kumanaan ka tirsan maleeshiyaadka DF-ka

Tuesday August 05, 2025 - 07:17:31
Liibaan Jeexoow
Xilli uu cirka iskusii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee udhaxeeya hoggaanka dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayuu Xasan Gurguurte qaaday tallaab uu uga gaashaamanayo suurtagalnimada weeraro uga yimaad mucaaradka.
War kasoo baxay madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa lagu amray taliska ciidanka melleteriga in uu magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda ka saaro dhammaan maleeshiyaadka dowladda ee hoos taga Odawaa Yuusuf Raage.

Ciidamadan oo hadda saldhigyo ku leh Muqdisho iyo duleedkeeda ayuu Xasan Sheekh amray in hubka laga dhigo kadibna loo daabulo gobollo ka fog caasimadda.

Warqaddan oo sumaddeedu aheyd XTC/XDS/0601/25 ayaa lafaray dhammaan ciidamada katirsan guutooyinka 21-aad,12-ka Apriil iyo 27aad iyo ay muddo 30 maalmood gudahood ah uga baxaan magaalada Muqdisho islamarkaana iyagoo sacboolay ah loo daabulo gobollada dhexe iyo deegaanno katirsan Sh/dhexe.

Arrintan ayaa lagu macneeyay walaac uu Xasan Gurguurte ka qabo in siyaasiyiinta mucaaradka ah ay ciidamadan lacago siiyaan kadibna ay u dagaallammaan, hoggaanka DF-ka ayaa isku diyaarinayo in marka lagaaro 10-ka bishan agoosto in ku ballan furo siyaasiyiinta mucaaradka.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xasan Gurguurte uu Muqdiso ku reebtay maleeshiyaad isaga si gaar ah utaabacsan oo uu ku doonayo in uu ku boobo doorashooyin ku sheegyada dhici doono sanadda soo socota ee 2026.

Saraakiil katirsan ciidanka Melleteriga ayaa walaac ka muujiyay qorshahan ciidamadan hubka looga dhigay kadina looga saarayo Muqdisho waxayna sheegeen in ciidamadan sacboolayda ah ay halis weyn kala kulmi karaan dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin.

Related Items

Update cookies preferences