DEG-DEG: Hawl-gallo naf-hur ah oo goor dhawayd lagu beegsaday ciidamada Uganda ee gobolka Sh. hoose.

Monday August 04, 2025 - 15:23:19
Liibaan Jeexoow
Dagaallayahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in goor dhawayd ay weerar culus ku qaadeen ciidamada Afrikaanta ee isbahaysiga AUSSOM.
Labo hawl-gal oo naf-hur ah ayay xogtu sheegaysaa in goor dhawayd lala beegsaday ciidamo Afrikaan ah oo ku sugnaa duleedka deggaanka Bariire ee gobolka Shabeellada hoose.

Hawl-galladan ayay wararku tibaaxayaan in ay geysteen khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada Uganda.

Sidoo kale hawl-galladan naf-hurka ah waxay burburiyeen dhowr ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee ay wateen calooshood-u-shaqaystayaasha AUSSOM.

Wixii faahfaahin ah dib ayaan kasoo gudbin doonaa Insha'Allaah...

Related Items

Update cookies preferences