Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay la wareegeen deggaanka Goobo oo dhaca duleedka degmada Maxaas ee bariga gobolka Hiiraan.
Maktabka warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa goor dhawayd baahiyey sawirrada jihaadiyiinta oo si buuxda ula wareegay gacan-ku-heynta deggaanka Goobo, isla markaana ka taagay raayada Tawxiidka.
Dhawaan ayay ahayd markii xoogagga Al-Shabaab ay weerar cag-marin ah kula wareegeen degmada Maxaas oo muddo ka badan 12 Sano ay ku sugnaayeen kooxda Villa Somaliya oo xilliyada qaarna ay waardiyeyn jireen ciidanka Xabashida Itoobiya.