Dagaallo lagu jabiyey ciidamada Uganda oo ka dhacay duleedka Afgooye. [BAYAAN]

Saturday August 02, 2025 - 07:16:52
Liibaan Jeexoow
Dagaallo lagu wiiqay ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaanta Uganda ayaa shalay ka dhacay duleedka Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.
Jihaadiyiinta Al-Shabaab ee ka hawl-gala deggaannadan ayaa afka ciidda u daray ciidamada Afrikaanta oo duullaan ku ahaa deggaannada lagu maamulo shareecada Islaamka.

Taliska Millateriga Al-Shabaab ayaa soo saaray war-saxaafadeed lagu faah-faahiyey jabka baaxadda leh ee la gaarsiiyey calooshood-u-shaqaystayaasha Uganda, waxaanu u qornaa sidan:

"Dagaallo lagu jebiyay saliibiyiinta oo ka dhacay duleedka Afgooye”

07 Safar 1447 H (01 Agoosto 2025)

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa maanta ka hortegay duullaan ay ciidamada saliibiyiinta ah ku soo qaadeen deegaanada lagu maamulo shareecada Islaamka ee dhaca duleedka degmada Afgooye, Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada hoose.
 
Dagaallada ayaa billawday markii ay saliibiyiinta Yugaandha oo ay hawada ka taageerayaan diyaaradaha Maraykanka iyo Turkiga weerar ku soo qaadeen deegaanka Bariire si ay u dhibaateeyaan dadka Muslimiinta ah ee halkaas ku nool.

Isbahaysatada saliibiyiinta ah ayaa duqaymo wuxuushnimo ah la beegsaday guryaha dadka shacabka ah ee deegaanka Bariire iyagaoo burburiyay inta badan magaalada, kadibna weerar dhulka ah ayay soo qaadeen iyagoo doonayay inay deegaanka qabsadaan, balse waxaa dagaal toos ah kala hortegay ciidamada Mujaahidiinta ee gaashaanka u ah shacabka Muslimiinta ah.

Dagaallada oo billawday subaxnimadii maanta oo Jimca ah ayaa soo gaaray ilaa galabta, waxaana halkaas lagu jebiyay kuffaartii duullaanka ku ahayd dadka Muslimiinta ah iyo deegaanka Bariire ee lagu maamulo shareecada Islaamka. Intii uu dagaalku socday waxaa cadawga laga dilay ciidan ka badan 20 askari oo saliibiyiinta Yugaandha ah waxaana laga dhaawacay 34 kale.

Sidoo kale waxaa cadawga laga gubay 5 kamid ah gaadiidkooda gaashaaman, waxaana lagu qasbay inay dib ugu cararaan goobihii ay ka soo duuleen.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay u dagaallameysaa dhawritaanka badqabka Ummadda Muslimka ah, hirgelinta Shareecada Islaamka iyo inay dhammaan dhulalka Muslimiinta ka xoreyso gaalada iyo murtadiinta dabadhilifka u ah.

Waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ballan ku qaaddeysaa inay sii wadi doonto Jihaadka ka dhanka ah isbahaysiga caalamiga ah ee saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah illaa ay geyiga Soomaaliyeed ka saareyso cadowga hororka ah ee ku soo duuley, iyo illaa diinta dhamaanteed ay Allaah keliya u sugnaaneyso."


Related Items

Update cookies preferences