Midowga Afrika oo hoggaamiye cusub usoo magacaabay ciidamada AUSSOM ee ku sugan Soomaaliya.

Thursday July 31, 2025 - 06:54:54
2208
Warsaxaafadeed kasoo baxay ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ergay cusub loosoo magacaabay ciidamada soo duulayaasha Afrikaanta ah ee ku sugan dalka Soomaaliya xilli uu howlgalka AUSSOM wajahayo xaalad hubanti la'aan ah.
Diblumaasi kasoo jeeda wadanka Senigaal ee galbeedka qaaradda Afrika islamarkaana kasoo qeyb qaatay duullaanno lagu qaaday qaar kamid ah dalalka caalamka islaamka ayaa loo xilsaaray in uu hoggaamiyo kumanaanka ciidamada Nasaarada ah ee duullaanka ku jooga Soomaaliya.

Alxaaji Ibraahim Diyiin Boole oo horay usoo noqday madaxa Q.Midoobe ee wadamada Suuriya,Maali iyo Koongada Dimuquraadiga ah ayaa soo gaaray xerada Xalane ee magaalada Muqdisho wuxuuna bedelay Max'med Amiin Alsuweyf oo udhashay dalka Komoros.

Ninkan dabadhilifka ah ayaa kaalin weyn ku lahaa duullaankii ay dowladaha shisheeye ku qaadeen dalka Maali isagoona dowladaha reergalbeedka ugu baaqi jiray in ay xoojiyaan dagaalka islaam ladirirka ah ee wadankaasi lagu qaaday xilligaas oo uu ahaa mas'uul sare oo katirsan Q.Midoobay.

Ergayga cusub ee Midowga Afrika usoo magacaabay Soomaaliya ayaa lasoo shaqeeyay waxa loogu yeero Q.Midoobay isagoo mar soo noqday wakiilka UN-ka ee Afrikada dhexe, ninkii isaga ka horreeyay ayaa shaqada ka tagay isagoo aan wax guul ah kasoo hoyn muhiimaddii loo xilsaaray.

Alsuweyf ayaa sanadadii uu xilka hayay waxay ciidamada soo duulayaasha Afrikaanta ah lakulmeen Khasaaro aad uxooggan waxaana dhacay weeraradii cagmarinta ahaa ee Buula Mareer iyo Ceelbaraf, weeraradaas oo dhegta dhiigga loogu daray boqolaal askari oo kasoo jeedo dalalka Uganda iyo Burundi.

Imaanshiyaha Alxaaji Ibraahim Diyiin Boole ee Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli hubanti la'aan dhaqaale ay ku dul hoganayso soo duulayaasha Afrikaanta islamarkaana welin aan qarash loo helin howlgalka cusub ee loogu magac daray AUSSOM.

Related Items

Update cookies preferences